Maalgashiga Aqoonta Bulshada !

0
169

Dalka Japan Xarunta Tareenka ee lagu magacaabo Kami-Shirataki station, kuna taalla deegaanka Hokkaido ayaa tareenka marayay  waxa keliya ee ku soo hadhay uu noqday hal arday oo keliya ka dib markii jid kale la furay.

 Shirkadda ayaa markii ay dadka jidkaasi ka raacayay aad u yaraadeen isku deyday inay joojiso wadadaasi laakiin markii ay ogaatay in Gabadha ardayad ah oo keliya ay daeiiqaasi ka raacdo ayay amar ku bixisay in aan la joojin jidkaasi Tareenka.

Shirkadda ayaa sheegtay in kharashka ku baxaya shidaalka Tareenka labad jeer ee soo qaadida iyo celinta ardayada ay uga qiimo badan tahay Gabadhaasi Ardayada oo dalka  Japan waxbarashadeeda ku  anfci doonta kana faa’idaysan doonaan malaayiinka qofka ee reer Japan.

Aradayadda ayaa mudadii ay waxbarashada ku jirtay keligeed tareenku dariiqaasi dheer ka qaadi jiray isla markaana soo celin jiray. Sanadkii ugu danbeeyay ee ay dhamaysatay waxbarashada dugsiga sare ayay shirkdu joojisay tareenkii wadadaasi mari jiray labada wakhti. Horumarku waa sida aad aqoon ugu maalgashato bulshada soo koraysay. (straitstimes)

 

 

Leave a Reply