Madax-dhaqameed Soomaaliya ah oo qorshe Nabadeyn u yimi dalka

0
129

 

Hargeysa (Dawan)- Madax-dhaqameed ka soo jeeda Soomaaliya oo hawlo nabadeyn u socday ayaa shalay dalka soo gaadhay.

Madax-dhaqameedkan oo sheegay inay isku xilsaareen dhamaynta khilaafka Laascaanood oo xubno ka tirsan Madax-dhaqameedka dalka iyo dad kale soo dhoweeyeen ayaa la sheegay in muddada ay dalka joogaan wada xaajood kala yeelan doonaan madax-dhaqameedka dalka arrimaha khilaafka Laascaanood.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo warbaahinta uga waramay ujeedada imaatinka Madax-dhaqameedka Soomaaliya ayaa sheegay inay sugayeen, isla markaana wada xaajood la yeelan doonaan, isagoo yidhi,

“Madax-dhaqameedka ka yimi Soomaaliya oo u hogaaminayey Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo ergadiisa waxaan ku soo dhoweynay caasimada Somaliland, iyagoo ahaa ergadii barrigii dhoweyd u timi arrinka Laascaanood.

Suldaan Xasan ayaa sheegay inay sugayeen imaatinkooda Ciida ka dib, isla markaana wareysi iyo wada xaajood ay yeelan doonaan maalmaha soo socda.

Sidoo kale, Xildhibaan Md. Qaasim Adan Saleebaan oo ka mid ah Golaha Wakiiladda, lagana soo doorto Gobolka Sool oo ka hadlay imaatinka Madax-dhaqameedka Soomaaliya ayaa sheegay inay isku xilqaameen nabadeynta colaada Laascaanood, waxaanay hore u tageen Magaalada Laascaanood, waxaanu yidhi

“Waxay u yimaadeen Dhaqan, waxa qaabilay dhaqan, waxay wada hadal yeelan doonaan dhaqanka, si xal loogu heli lahaa colaada ka taagan Laascaanood, oo Ilaahay ka baryeyno inay naga dhamaato” ayuu yidhi.

Khilaafka colaada Laascaanood oo xukuumadu marar kala duwan nabadeynteeda wada xaajood in lagu dhameeyo ugu baaqday Waxgaradka iyo odeyaasha gobolka Sool, balse aanay wax aqbalaad ka bixin ayaa la eegi doonaa xalka madax-dhaqameedku ka gaadhaan.

 

 

 

Leave a Reply