Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta oo oo ka Hadlay Xaalada Laascaanood

0
274

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Qaranka Somaliland ay gacan bir ah wax kaga qaban doonaan faro-galinta dagaal ee Maleeshiyaadka Puntland ay ka wadaan Magaalada Laascaanood.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Siciid Xasan Habane ayaa waxa uu sheegay in Maleeshiyaadka Puntland qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood.

Siciid Xasan Habane oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi “Way caddahay in Puntland dagaalka ku jirto horana waanu uga hadalnay, waxaana dagaalka soo galay Ciidamada PSF ee Puntland. waxaana aan leenahay Puntland ka waantooba qaska aad ka wadaan Laascaanood iyo dhibaatada aad doonaysaan in aad Somaliland soo gaadhsiisaan, hadiise Puntland ka waantoobi waydo waxa Ciidamada qaranka diyaar u yihiin in ay gacan bira wax kaga qabtaan ciddii ka soo gudubta xadka ee soo faragalisa Wadanka Somaliland”.

Sidoo kale Siciid Habane ayaa waxa uu tilmaamay in Xukuumadda ku baaqayso in nabed lagu dhameeyo Xaalada ka taagan Laascaanood.Waxaana uu yidhi”Guud ahaan waxa ina deeqaa waa nabad waxa qaranka Somaliland markasta ku baaqayaa nabad,bulshada waa in ay ka qayn qaadato cida hogaanka u ahina ay qaadato in nabad wax lagu gaadhi karo qas iyo dhibaata waxa ay keenaysaa dib u dhac.Somaliland waxa uu diyaar u yahay in uun nabad ka shaqeeyo Laascaanood waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka qaranka Somaliland,waxaana aanu leenahay Shacabka inta la qalday dawlada la shaqeeya cidii ku soo dhex dhuumanaysa waxa qaranka Somaliland diyaar u yahay in uu ka qabto

 

Leave a Reply