Aqoonta Iyo Badbaada Qofka!

0
366

Markii uu go’aansaday inuu noqdo duuliye Dayuuradeed (Pilot) wuxu soo iibsaday Buuga (kitaab) magaciisu ahaa : Isbar sida Dayuurad loo duuliye Macalin la’aan. Waxaana uu bilaabay inuu akhristo ilaa uu gaadhay inuu si fiican u barto habka loo duuliyo.

Maalintii uu ku qancay ayuu tegay xarunta dayuuradaha lagu kireeyo waxaana uu ka kiraystay dayuurad markii uu imtixaankii ay ka qaadeen gudbay loona ogolaaday inuu duulin karo.

Markii uu koray dayuuradii buugiisa ayuu  si fiican ula soo baxay oo raacay talabooyinkiisa ilaa ay dayuuradii hawada gashay , si wanaagsan ayu ugu raxaaystay aadna wuu ugu qancay faa’idada uu ka helay buugga.

Markii ay ka dhamaatay mudadii loo qorsheeyay inuu hawada ku jiro ayuu isku deyay inuu soo fadhiisiyo dayuuradii, buugiisa ayuu la soo kala baxay oo xaashi u raaacay, si uu helo casharada fadhiisinta dayuuradda, waxaana uu gaadhay xaashidda ugu danbaysa buuga isagoon aan ka helin casharka fadhiisinta..

Nasiib daro waxa ku qoraa xaashidan ugu danbaysa: “ casharka soo fadhiisintu waa Buugga labaad bilawgiisa”.  Markaasi ayuu ku  dhowaaqay odhaahda ah “ Duuliye, haddaba yaa fadhiisinaya “? . Ku dadaal inaad arrin kasta si dhamaystiran oo xeel dheer u fahanto una barato, si aad halis ugu badbaado.

 

Leave a Reply