Maamulka Gobolka Salal oo lagu Wareejiyay Qalab Caafimaad oo kala Duwan

0
203

Ha’ayada Amoud Foundation ayaa shalay qalab caafimaad oo kale duwan ku wareejisay badhasaabka gobolka Salal, iyo isu duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka oo gobolka Salal, qalabkaasi oo loogu talo galay xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degaanka Ceel-gaal.

Munaasibadda qalabkan oo loogu talo-galay in lagu qalbeeyo xarunta hooyada iyo dhallaanka ee deegaanka Ceel-gaal ee gobolka Salal waxa si rasmi ah ula wareegay oo ka guddoomay ha’aydda Camuud Foodhayshan Badhasaabka gobolka Salal Mawliid Maxamed Nuur iyo iyo isu duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolkaasi Jaamac Muuse Cige.

Professor Axmed Cabdi Ismaaciil oo ah Madaxa Ha’ayada Amoud Foundation ee arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada ayaa ugu horrayn munaasibadaasi hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa yidhi “Maanta waxaanu halkan u joognaa in aanu qalab caafmaad ku wareejino xarunta hooyada iyo dhallaanka deegaanka Ceel-gaal, waxaa halkan nala jooga guddoomiyihii gobolka Salal iyo isu duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Salal. Qalabkani waxa ay isugu jiraan qalab caafimaad oo si gaar ah u khuseeya xarunta hooyada iyo dhallaan oo ay ka mid yihiin sariirihii lagu seexanayay iyo qalab kale oo muhiim u ah hooyada iyo dhallaanka labadaba.”

Xidhiidhiyaha Ha’ayada Amoud Foundation ee geeska Africa Professor Axmed Cabdi Ismaaciil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay qalabkan ay soo gaadhsiiyeen xarunta hooyada iyo dhallaanka Ceel-gaal.

 

 

 

 

 

Leave a Reply