Xorriyada Baananka Iyo Dhaqaalaha!

0
329

Dalka Switzerland ayaa la sheegay inuu yahay dal dhexdhexaad ah oo ka qayb qaadan loolanka dunida guud ahaan iyo kan gobol ahaanba, taasi oo ka dhigtay dal aamin ah oo lacagta dunidu ku ururto. Switzerland oo ku taalla Yurub kamay qayb qaadan labadii dagaal ee dunida ka dhacay kuwaasi oo ka socday dhinacyadeed iyadana lama soo weerarin madaama ay dhex ahayd.

Switzerland ka mid ah midowga Yurub, kumana jirto dalalka isticmaala lacagta Euro. Isla markaana xubin kama ahayn Qaramada Midoobay, laakiin bishii Sebtemebr 10kii sanadkii 2002, Switzerland waxa ay xubin buuxda oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ka dib markii afti bulshada dalkaasi laga qaaday in ay ku biiraan UN iyo in kale. Waxaana ay ogaaleedn in ay ku biiraan UN.  Sanadkii 1986 oo bulshada dalkaasi afri looga qaaday in ay ku biiraan UN waxa ay diiday laba meelood oo ka mid ah bulshada dalkaasi halka meel ka mid ahin ay ogolaatay in xubin laga noqdo. Codbixintii 2002 ayaa Switzerland ka dhigtay waddankii ugu horreeyay ee xubin ka noqda Qaramada midoobay iyadoo lagu saleynayo codbixinta dadweynaha dalkaasi.

Waxa kale oo jirta in macmiilka doonaya inuu xisaab ka furto baanka dalkan aan lagu dhibin oo aan la weydiin macmluumad adag iyo siro gaar ah. Marka uu lacagta dhigtoba waxa la siinaya calaamad uu ku geli oo uu kala bixi karo. Arimahaasi aya ka keenay inay Switzerland noqoto dal qof kasta lacag baankeed dhigan karo meel kasta ha ka jooge dunide.

Leave a Reply