Mareeyaha Dekadaha Somaliland oo Hortagey Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida

0
117

Hargeysa (Dawan) Guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa kulan xog-wareysi ah la yeeshay maareeyaha dekaddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi, oo ay guddidu wax ka waydiisay hawlaha shaqo ee ka socda dekadda Berbera.

Siciid Xasan Cabdillaahi maareeyaha dekadda Berbera ayaa guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland warbixin shaqada baaxada leh ee ka socota dekadda Berbera, waxaanu sheegay in hawlaha dekaddu si fiican u socdaan, isla markaana ay shaqada qaranka u hayaan ay tahay mid usocota sidii loogu tallo galay.

Geesta kale guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa maareeyaha dekaddaha Somaliland uga mahadceliyay sida hufnaanta leh ee uu uga waramay sida wanaagsan ee hawlaha dekaddu u socdaan.

Xildhibaan Dayib waxa uu xusay in warbixinta maareeyaha ay ugudbin doonaan gola weynuhu marka uu soo noqdo.

Inta badan sida qaalibka ah guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland ayaa sii shaqaysa inta uu goluhu ku jiro fasixiisa dastuuriga ah, iyaga oo hadba masuul u yeedha si ay wax uga waydiiyaan hawlaha shaqo ee uu Qaranka u hayo.

 

Leave a Reply