Portugal: Afar ayaa ku dhintay tartan shimbireed

0
128

Nin ayaa la sheegay inuu saddex nin ku dilay dalka Portugal ka hor inta aanu is dilin, waxaana la sheegay in sababta dulku ka dhalatay khilaaf la xidhiidha tarminta xamaamyada ama shimbiraha tartanka.

Toogashada ayaa ka dhacday magaalada Setubal oo qiyaastii 50 km (30 mayl) dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Lisbon.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warameysa in khilaafkan uu la xidhiidho muran ka dhashay hoyga xamaamka iyo beer khudaar oo aan sharci ahayn.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in markii la dilay ay ka qeyb galayeen tartan lagu tartansiinayey qoomaleyda ama Xamaamka.

CNN Portugal ayaa ku warrantay in tuhmanaha oo 66 jir ah uu is dilay markii ay booliisku yimaadeen subaxnimadii Axaddii.

Taliyaha bilayska Setubal Andreia Gonçalves ayaa ku tilmaamay dhimashada inay tahay “xaalad go’doon” oo la xidhiidha arrin aan la xalin oo u dhaxaysay raggan.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Booliska Garsoorka ayaa shabakada wararka ee Publico u sheegay in is afgaranwaa la xidhiidhay xamaamyo lab oo la kala dhacay kuwaas oo istimaalayey Tarminta shimbiraha.

Weli lama shaacin cidda ay yihiin eedaysanaha iyo dhibanayaasha, waxaas socoda baadhitaan. Ninka hubeysan ayaa la sheegay inuu ku noolaa teendho ku taal Setubal.

Portugal waxay leedahay sharciyo xadidaya hubka laakiin hubka ugaadhsiga ayaa sharci ah.

 

Leave a Reply