Waaiirka Beeraha JSL oo Daah-furay Barnaamijka Dalag-kaab

0
333

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka daah-furay barnaamij loogu magac-daray Dalag-kaab.

Daah-furka barnaamijka dalag-kaab, waxaa wasiirka beeraha ku wehelinayay guddoomiyaha Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, iyo Agaasimaha Guud ee Gudiga Qandaraasyada Qaranka.

Barnaamijka Dalag-kaab, oo heer qaran ah ayaa xukuumada madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, waxay ugu talo gashay inuu noqdo mid kor loogu qaadayo wax soo saarka dalagyadda gudaha wadanka ka soo baxa.

Waxaana ka mid ah u jeedooyinka laga leeyahay barnaamijkaasi, Dhiirigalinta wax soo saarka beeralayda dalka, si kor loogu qaado tabcashada beeraha.

In beeralaydu ay hesho il dhaqaale oo qayb ka noqda kor u qaadida wax soo saarkooda.

Sidoo kale waxaa ka mida u jeedooyinka Dalag-kaab, in dalaga laga soo iibsaday beeralayda lagu kaydiyo kaydka raashinka qaranka, si goordhow xukuumadu ay ugaga hor tagto masiibooyinka dabiiciga ah.

Sida abaaraha, raashin yaraanta iyo wixii la hal maala, gaar ahaana xiliyadda ay abaaruhu dhacaan, ama haddii ay timaado raashin yaraan, iyo in maciishadu ay qaaliyowdo.

Wasiirka beeraha JSL C/qaadir Iimaan Warsame, oo hadal ka jeediyay daah-furka barnaamijkaasi ayaa sheegay in qorshaha xukuumadu uu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka wadanka.

Waxaanu wasiirka dadka beeralayda ah ku booriyay in ay ku dedaalaan dabcaahadda beeraha, maadaama oo hadda lagu jiro wakhti roobaadkii.

Geesta kale guddoomiyaha haayadda Kaydka Raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh, ayaa isna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo dalagyadda.

 

Leave a Reply