- Laabteyda ugama baqo raxan libaaxya ah, se dhabarkayga ayaan uga baqaa Ey khaayina.
- Dadka ugu farxada badan noloshu waa dadka wax bixiya maaha kuwa qaata
- Samayso Qorshe aad ku socoto noloshaada
- “Isku day inaad noqotid Cad-ceeda , hadaad noqon waydana Isku day inaad noqotid Dayaxa ,hadaad noqon weydana Isku day inaad noqotid xidigaha Laakiin noqo xidiga xidigaha ugu iftiinka badan “…
- Dadku waa hanti aan la goyn karayn
- “Hadyadda ugu qaalisan ee aad qof siin kartaa waa waqtigaaga. Marka aad waqtigaaga bixinayso waxaad huraysaa qayb noloshaada ka mid ah oo aanad dib u helayn”.
- Badwaynta halista badan waxay soo saarta dabaalyahano xeeldheer
- Dadka U furfur wajigaaga waxaad helaysaa niyadooda, hadalkana u debci si ay kuu jeclaadaan, una naxariiso si ay kuu qadariyaan.