Xukuumadda oo Dalka Dibeddisa ka soo celinaysa muwaadiniin Somaliland u dhashay

0
172

Hargeysa (Dawan) Kulan lagaga arrinsanayo soocelinta muwaadiniin reer Somaliland ah oo hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka lagu qabtay.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska guddoomiye kuxigeenka hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland Faadumo Cabdillaahi Cumar, waxa ka soo qaybgalay hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin hay’adda Qaxoontiga.

Geesta kale waxa kulankaas lagu gorfeeyay suurtagalnimada soocelinta muwaadiniin hay’addu sheegtay in ay degenaansho ka waayay wadamada Ustaraleeya iyo Iswesarland.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland Faadumo Cabdillaahi Cumar, ayaa markii kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta u sheegtay in ay isla qaateen waftiga ka socday labada dal ee Ustaraleeya iyo Iswesarland in dadkaasi muwaadiniinta ah la soo celiyo iyada oo aan la khasbin.

Waxaaney tidhi.“Waxa xafiiska nagu booqday wafti ka socda laba waddan oo Yurub ka mida, Austria iyo Switzarland, oo ay weheliso hay’adda aanu wada shaqaynta leenahay ee UNHCR, waxa aanu kawada hadlay dadka soo noqdayaasha ah, kuwaas oo dib uga soo laabta dalalka Yurub, sida waddamada Holand, Ustareeliya, Jarmal, Biljim, Boland, ayay ka yimaadaan dad muwaadinin reer Somaliland ah oo iyagu si iskooda u codsada, kuwaas oo aan lagu khasbin in laga saarin waddanka, mudana halkaas ku xaniban oo ku sharciwaaya, marka waxa aanu ka hawlgala dadkaasi sidii gargaar loogu fidinlahaa, ee loo soo tabaabushaynlaha, ayaanu kawada hadlay, waxa aanu isla garanay dadkaasi in aan la khasbin ama awood lagu soo dareeriyo, iyagana wadamada ay joogaan aanay soo khasbin, balse iyagu ay go’aansadaan inay soo noqdaan,”

Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka ayaa ku hawlan sidii ay hay’addaha caalamiga ah ugala shaqayn lahayd sidii muwaadiniinta iskood u dalbada inay ku soo nodaan dalka dib loogu soo celin lahaa.

 

Leave a Reply