7 meyd ah ayaa laga helay Maraykanka iyada oo la baadigoobayo dhalinyaro la la’yahay

0
164

Todobo meyd ah ayaa laga helay guri ku yaala Henryetta, oo ah magaalo yar oo ku taal miyiga Oklahoma, xilli lagu guda jiray baadi goobka labo dhalinyaro ah oo la la’yahay.

Booliska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in gabdhaha ay baadigoobayeen Ivy Webster oo 14 jir ah iyo Brittany Brewer oo 16 jir ah ay ka mid ahaayeen dadka dhintay.

Waxaa sidoo kale la helay meydka Jesse McFadden, oo ahaa dambiilayaal u diiwaan gashan dambiileyaasha wax kufsada kaas oo ay booliisku sheegeen inuu gabdhaha la socday.

Booliisku ma sheegin sababta dhimashada. Saraakiisha maxalliga ah si cad uma aanay aqoonsan afarta kale ee meydka ah, laakiin Janette Mayo, oo 59 jir ah, kuna nool Westville, Oklahoma ayaa u sheegtay AP News dhibbanaha kale ay tahay gabadheeda, Holly Guess, 35 jir ah, iyo carruurteeda ay Ayeeyada u tahay, Rylee Elizabeth Allen, 17, Michael James Mayo. 15, iyo Tiffany Dore Guess, 13.

Ms Mayo ayaa sheegtay in xafiiska shariifka Booliisku uu ku wargeliyay in qoyskeedu aanay ka warqabin diiwaanka dembiga McFadden ilaa dhawr bilood ka hor.

“Wuxuu been u sheegay inantayda, wuuna ku qanciyay inay taasi ahayd khalad wayn,” ayay u sheegtay warbaahinta.

Ilaalada Waddada Weyn ee Oklahoma waxay soo saartay la-talin qof halis ah oo la waayay Ivy Webster iyo Brittany Brewer Isniintii.

Waxaa la sheegay in ay saaxiibo ahaayeen Holly Guess, iyo in ay usbuuca dhamaadkii la qaateen qoyska.

 

 

 

 

Leave a Reply