Awooddii Iyo Ciidankii Suldaankii Istanbuul!

0
183

Suldaan Mohamed Al-faatax Ibn muraad Waxa uu ahaa suldaankii  furtay magaalada qisdan diiniya ee dalka Turkiga, isla markii uu furtay waxa laga bedelay magaca waxaana loo bixiyay magaca  “Islam buul” oo macnaheedu ahaa Gurigii Islaamka. Magaaladaasi waa caasimaddii hore ee dalka Turkiga wakhtigan waxa lagu magacaaba Istanbul.

Suldaan Maxamed AL-Faatax Waxa uu dhashay 835 hijriyada …waxaana uu ahaa suldaankii dhidibada u taagay dowlad islaam ah awood badan, waxaana ay caalamka ka talinaysay muddo ka badan 600 sano,

Dawladda xooga badan waxa loo yaqaana dhinaca taariikhda Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Suldaan Maxamed waxa uu ahaa suldaankii ugu adkaa uguna firfircoonaa isla markaana ugu dadaalka badnaa ee soo maray Xukuumadihii Cusmaaniyiinta. Suldaanka ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa hogaamiye maamul iyo mid ciidan oo marka cadowgiisa loo sheego ay jidka sii banayn jireen. Awood ahaan waayadaasi waxa lagu tixgelin jiray inuu yahay awoodda ciidan ee ugu xooga badan ee caalamka ka jiray waayadaasi. Caalamka mar kasta awoodda ciidan iyo quwadda aad leedahay waa midda keliya ee ay dalalka ku ixtiraamayaan isla markaana cabsi gelin u ah oo iyaga.

Leave a Reply