Borama oo lagu Qabtay kulan loogu Diyaar-garoobayo Xuska 18 May

0
138

Borama (Dawan) Guddoomiyahja gobolka Awdal iyo maayirka Magaalada Borama ayaa kulan la qaatay isu’duwayaasha laamaha dowladda ee gobolka Awdal.

Kulankan ayaa ahaa mid lagaga arrinsanayay udiyaargarowga xuska maalinta Qaran ee 18-ka May.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa mudadii uu socday lagu gorfeeyay in si kaduwan sidii loo xusay sannadihii hore loo xuso xuska maalinta Qaranimada ee 18-ka May, sidoo kale intii kulankaasi socday waxa lagu doortay guddida qabanqaabada xuska 18-ka May ee gobolka Awdal oo ka kooban 5 xubnood, oo ka kala socda wasaaraddaha caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta , hay’adda shaqaalaha dawladda iyo shaqa galinta iyo arrimaha.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, ayaa sheegay in maalintani ay magac iyo milgo weyn ugu fadhido bulshadweynta reer Somaliland, waxaanu ka codsaday in weynaynta maalintan ay guntiga dhiisha isaga dhigaan bulshada gobolka Awdal, isla markaana loo baahan yahay in aan loo kala hadhin caruur iyo cirroole xuska maalintan.

Dhinaca kale waxa uu laamaha dawladda, dawladda hoose iyo guddiyada xaafadaha ka codsaday in ay kawada qayb qayb qaataan weynaynta maalintan, waxaanu intaas ku daray in lagu dadaalo in sidii sannadkii hore si kaduwan loo qabto xuskan, waxaanu guddida kula dardaarmay inay soo diyaariyaan qaabka ugu habboon ee loo xusi karo maalinta.

Leave a Reply