Ingiriiska oo Laga Dalbaday Inuu Mucaawinooyinka Si Gaara u Siiyo Somaliland

0
161

London (Dawan)- Xildhibaan Gavin Williamson ayaa ugu baaqay xukuumada Ingiriiska inay si gaar ah u siiso mucaawinooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, maadama Soomaaliya siyaasad u adeegsato marka loo mariyo.

Xildhibaan Gavin oo ka hadlayey dood Guddiga iskaashiga Caalamiga ee baarlamaanka Ingiriiska lahaa usbuuci hore ayuu sheegay, “Waxaan aragnaa caqabado dhab ah oo ka jira in mucaawinooyinka la soo mariyo Muqdisho, halkii si toos ah loo soo gelin lahaa Hargeysa. Waxa Berbera ku yaala dhismayaal la yaab leh oo saldhig u noqon kara in gargaar la gaadhsiiyo bariga Afrika iyo Geeska Afrika.”

Dooda xildhibaan Gavin ayuu ku sheegay muhiimada ay leedahay aqoonsi Ingiriisku siiyo Somaliland, waxaanu yidhi, “In dawladda Ingiriisku aqoonsato Somaliland, isla markaana ay hubiso in mucaawinooyinkaasi ay si toos ah ugu socdaan dadka reer Somaliland, halkii ay Soomaaliya u adeegsan lahayd qalab siyaasadeed, waxa hubaal ah inay wax weyn ka tari doonto malaayiinta qof ee ku nool Somaliland.”

 

Leave a Reply