Kulan Wada-tashiga Miisaaniyadaha Dawladaha Hoose oo la Qabtay

0
184

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa furay shir Wadatashiga Miisaaniyada ee Dawladda Hoose iyo Dib-u Eegista Miisaaniyada Sanadkan Dhexdiisa ee Degmooyinka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa ka hadlay muhiimada shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Xoghayayaasha Dawladaha Hoose iyo Agaasimeyaasha Maamulka, iyadoo uu socon doono shirkani muddo laba cisho, kaasoo ka qabsoomay Hotel Jees ee Magaalada Hargeysa.

“Marka miisaaniyadaha DH la diyaarinayo waxa jira caqabado aanu kala kulano markaa waxaa la doonayaa inaad si fiican kulankan looga faa’iideysto” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Arrimaha Gudaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addin), ayaa isna faah-faahin ka bixiyey muhiimada shirkani u leeyahay Dawladda Hoose iyo masuuliyiinta ka soo qaybgalayba, isaga oo kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan mudada uu socdo aqoon iswaydaarsigu.

“Waxa loo baahan yahay maaha keliya nidaamka JPLG, waxaynu leenahay nidaamyo badan oo sharuuceed, mid lacageed, mid dakhli, laakiin hirgelintoodii ayaa la kala horeeya loona baahan yahay dhamaanteen inaynu fulino.” Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Maaliyadda.

Masuul u hadlay hay’adaha Dawladaha hoose kala shaqeeya barnaamijka JPLG ayaa sheegay in barnaamijkani wax weyn ka bedeli doono nidaamyadii hore loogu shaqeyn jiray loona maamuli jiray miisanaiyadda.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply