Warka Kulan Lagaga Hadlayay Horumarinta Manhajka

0
347

Hargeysa (Dawan)- Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska ayaa shalay qabatay shir lagaga hadlayay sidii dib-u-eegis iyo Horumarin loogu samayn lahaa Manhajka Waxbarashada.

Shirkan lagaga horumarinta Manhajka Waxbarashada ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye Toorno Xubnaha gudida Waxbarashada heer qaran iyo Agaasimaha Xafiiska Manaahijta Waxbarashada qaranka Maxamed Cali Cumar.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo hadal ka jeediyay furitaankii shirkan ayaa waxa uu ku amaanay sida ay iskaga xilsaareen horumarinta Waxbarashada dalka.Waxaana uu yidhi”Waxa aan u mahadnaqayaa xubmaha gudida Waxbarashada qaranka oo Magaalooyin kala duwan kala yimid,waxaana Masuuliyad iska saareen sidii Waxbarashada wadanka loo horumarin lahaa. aad ayaanan idiku mahadnaqayaa,go,aankii aad goysaan iyo talada aad bixisaan ayaana Wasaarada fulinaysaa,”.

Guddoomiyaha gudida Waxbarashada heer qaran Dr.Saleebaan Axmed Guuleed oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in Caalamka oo dhan horumarin lagu sameeyo Manhajka Waxbarashada.Waxaana uu yidhi”Waxa aynu ognahay in la soo kordhiyay guddida heer qaran ee Waxbarashada oo Wasaarada la talinaysa,waxa kale oo Wasaarada ku talaabsatay in dib u eegis lagu sameeyo shantii sanaba mar Manhajka Waxbarashada.taas oo ah mid Caalamka oo dhan ka jirta waayo Waxbarashada kolba waxbaa iska badalaya,”.

Sidoo kale Agaasimaha Xafiiska Manaahijta Waxbarashada qaranka Maxamed Cali Cumar oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in afartii sanaba dib u eegis lagu sameeyo Manhajka Waxbarashada.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu usoo bandhignay Wasiirka Waxbarashada iyo gudida heer qaran ee Waxbarashada hawl aanu

Leave a Reply