Wasiirka Maaliyadda oo Gudoomiyey Shir Lagu Horumarinyo Dalxiiska Dalka

0
211

Hargeysa (Dawan)- Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa ka qabsoomay kulan hawleed u dhaxeeyey Wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda, Arimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Ganacsiga iyo Dalxiiska, iyo Laanta Socdaalka JSL.

Kulankan oo uu shirgudoominayey Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali ayaa waxa qayb ka ahaa Wasiir ku xigeenkeenada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda iyo Ganacsiga, Arimaha Dibadda iyo Saraakiil sare oo ka socday ciidanka socdaalka, ayaa ujeedada kulankaaa ahayd sidii loo fudeydin lahaa dhamaan adeegyada dalxiisayaasha dalka imanaya la siiyo, isla markaana loo horumarin lahaa goobaha dalxiiska Somaliland.

Sidoo kale waxa kulankaas lagu magacaabay guddiyo farsamo oo ka kooban daneeyeyaasha, kuwaas oo ka shaqeyn doona fududeynta dalxiisayaasha dalka.

Wasiir-xigeenka Wasaarada Dalxiiska Md. Muuse Ibraahim Salaf oo nuxurka kulanka warbaahinta uga waramay ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyaddu gudoomisay shir ay ka soo qeybgaleen daneeyaasha Dalxiiska dalka, isagoo yidhi,

“Dalkeenu waxuu hodan ku yahay dalxiiska iyo goobaha aasaarta qadiimiga ah, waana goobo dhinac dhaqaale iyo shaqo-abuur looga faa’iideysan karo.”

Md. Muuse ayaa hadalkiisa raaciyey in kulanka lagu falanqeeyey caqabdaha iyo mushkiladaha ku gedaaman dalxiiska dalka iyo sidii xal loogu heli lahaa iska kaashadaan dhamaan hay’adaha qeybta ka ah.

“Xukuumadu gacmo furan ayey ku soo dhoweynaysa dalxiisayaasha caalamka, isla markaana waxa jira goobo kala duwan oo dalxiis ku haboon dalka.”

 

 

 

 

Leave a Reply