Xeerka Ilaalinta Xuquuqda Caruurta oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

0
166

Hargeysa (Dawan)  Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay munaasibad lagu daah-furay Xeerka ilaalinta xuquuqda Carruurta Somaliland.

Munaasibadan lagu daah-furayay maalinta ilaalinta xuquuqda carruurta oo ka qabsoontay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, waxa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaraddaasi Cali Cumar Maxamed, agaasimaha guud ee wasaaraddasi Axmed Xasan Aw Aadan, iyo wasiiradda wasaaraddaha qorshaynta Qaranka, caafimaadka cadaaladda iyo shaqaalaha weynaha wasaaraddasi, hay’addaha ay ka wada shaqeeyaan arrimaha carruurta, sharciyaqaano mudan iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland Axmed Xasan Aw Aadan, ayaa sheegay in hirgelinta xeerarka ilaalinta xuquuqda ee maanta ay daahfureen ay ku hawlanaayeen ka shaqayntiisa muddo toban sano, ah isla markaana ay maanta farxad weyn u tahay.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada wasaaradda shaqada Marwo Filsan Xuseen Khaliif, ayaa sheegtay in ujeedada xeerkan loo sameeyay  ay tahay in la helo xeer loo raaco marka ay timaado ilaalinta xuquuqda carruurtu sida ay ina farayso diinteena suuban.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan in aanay caruur danbe ka dayacmin bulshada Somaliland,  waxaanu xusay in xeerkan dhaqangelintiisa ay bilaabayaan maanta.

 

Leave a Reply