“Deg deg ayaa Maxkamad Loogu Gudbinayaa Askarigii Dilay Sarkaalka Ciidanka Xeebaha” Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0
130

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in degdeg Maxkamad loo horgayn doono Askari ku dilay deegaanka Lawyacaddo Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xeebaha Gobolka Selel AHN Saddex xadhigle Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb).

War saxaafadeed uu agaasimaha Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mr. Cabdillahi Axmed Caarshe shalay galab soo saaray ayaa lagu sheegay in Wasiir Kaahin ka tacsiyeeyay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee uu marxuum Khadar ka baxay iyo qoyskiisa. sidoo kale waxa lagu sheegay in markiiba hay’adaha amnigu ku dhigeen Askariga dilka gaystay, waxaa si dhakho loo horgeynayaa sharciga, waxana isla markiiba  la diyaariyey Maxkamaddii la saari lahaa gacan ku dhiiglaha.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed isagoo ku hadlaya magaciisa, magaca Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo magaca Ciidamada kala duwan ee Qalabka sida, waxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelkii, Asxaabtii, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Saddex Xadhigle Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb), oo gacan ka xaqdarani ay ku dishay Rugta Ciidanka ee Lawyacado.

Waxuu marxuumka Eebe uga baryayaa in uu Janatul-fardowsa ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, Ehelkii, Qoyskii, Asxaabtii, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan Eebe ka siiyo.

 

Leave a Reply