Ciidanka Booliiska Somaliland oo Gacanta Ku Soo Dhigay Nin Ku Eedaysan in uu Dilay Aabihii

0
131

Hargeysa (Dawan) – Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay soo qabteen nin ku eedaysan in uu Hargeysa nafta ku dhaafiyay aabihii 1/May/2023.

Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee ciidanka ayaa lagu yidhi “Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Ciise Maxamed Yuusuf, eedaysanahan ayaa ku eedaysan in uu dilay aabihii Marxuum Maxamed Yuusuf Aadan 1/5/2023”.

Ciidanka ayaa sheegay in ay wadeen hawlgal ay ku baadi goobaayeen eedaysanaha oo baxsaday kadib markii uu dilka gaystay wuxuuna ciidanku ugu danbayn kasoo qabtay magaalo xuduudeeda Tog-Wajaale.

Ciidanka booliiska ayaa dhinaca kale u mahadceliyay dadkii shacabka ahaa ee ka qaybqaatay soo qabashada eedaysanaha, wuxuuna ku goodiyay in talaabo laga qaadi doono cidkasta oo amni daro samaysa.

 

Leave a Reply