Mudanayaasha Golaha Guurtida oo lagu Wargeliyay Furitaanka Kalfadhiga 81aad

0
118

Hargeysa (Dawan) Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa sheegay in toddobaadka fooda inagu soo haya uu furmi doono Kalfadhigii 81-aad ee Golaha Guurtida.

Garyaqaaan Cabdinaasir Aadan Beegsi oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ku wargaliyay Mudanayaasha Golaha guurtida in ay ka soo qayb galaan kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guurtida ee furmi doona Maalinta Axada ee toddobaadka soo socda.

Waxaana sidan lagu war qoraal oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha guud ee golaha guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi waxanu u dhigna sidan.

“Dhammaan mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waxa la ogeysiinaya in uu furmi doono Kalfadhigii 81-aad ee Golaha Guurtida JSL, maalinta Axada ee ay bishu tahay 7/5/2023-ka, saacada 9:30 subaxnimo haddii ALLE yidhaahdo, sidaas darted waxa la idin faraya in aad wakhtiga ilaalisaan”

 

Leave a Reply