Muwaadin Dawladda Hoose ee Degmada Maxamed Mooge ku Maamusay Gaadhi

0
212

Hargeysa (Dawan) Saki Dool oo ka mid muwaadiniinta reer Somaliland ee Qurba-joogta ayaa shalay gaadhi bas ah kuwareejiyay masuuliyiinta dawladda hoose degmada Maxamed Mooge.

Muwaadin Saki Dool ayaa sheegay in gaadhigan uu u hibeeyay maamulka, masuuliyiinta iyo shaqaale weynaha dowladda hoose ee degmada Maxamed Mooge, waxaanu xusay in ujeedada gaadhigan uu u soo iibiyay iska markaana uu shalay ugu wareejinaya inay tahay in loogu adeego bulshada degmada Maxamed Mooge, ee adeega ay siiso dawladda hoose ee degmadaasi.

Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay in markii uu arkay muwaadinkani horumarka ballaadhan ee ka socda Degmada Maxamed Mooge, uu gartay in uu hadyad ahaan ugu wareejiyo baskan idiin muuqda.

Muwaadin Saki ayaa ka markhaati kacay horumarka ay ku tallaabsatay mudada kooban ee ay jirtay, waxaanu ku boggaadiyay sida hufan ee maamulka degmadu bulshada ugu adeegayo.

Masuuliyiinta dowladda hoose ee degmada Maxamed Mooge ayaa uga mahadceliyay gaadhigan uu u soo hadiyadeeyay muwaadin Saki.

Xildhibaan Xuseen Ibraahim Askar, oo sh mudaneha u qaabilsan Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, degmada Maxamed Mooge, waxaanu guddoomiyaha degmada Maxamed Mooge, mudane Gufiindhe kula dardaarmay in uu xilweyn iska saaro ilaalinta dayactirka gaadhigaasi.

Leave a Reply