Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo qabatay kulan lagaga arrinsanayo ka Hortaga Kaneecada

0
140

Xubinta koowaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Qaybta gargaarka degdega ah ayaa qabatay shir lagaga arinsanayo sidii looga hortagi lahaa, kaneecada dhalisa xumadda.

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta gargaarka degdega ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin samaynta ka hor-tag, waci’gelin iyo nafinta deeegaanka.

Laamaha dawlada ee kullankaas ka qayb-galay ayaa waxay kala ahaayeen, Wasaaradda Deeganka, Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Wasaaradda Warbaahinta dhaqanka iyo Wacyigelinta, Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska, Dawladaha Hoose.

Kulankan ayaa waxa gabo-badii Laysla qaatay in kor loosii qaado lana xoojiyo Wacyigelinta ku aadan Xaaladda Xumadda iyo Waxybaaha keena oo ay ka mid tahay Kaneecadu, Bulshadana lagu baraarujiyo sidii ay iskaga jiri lahaayeen Kaneecada iyo waxyaabaha ay ka dhalato, in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah ee lagaga arinsanayo Xummada

Leave a Reply