Cisbitaal cusub oo laga hergiliyay degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodijeex

0
203

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona cisbitaal laga hirgeliyay degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodijeex, kaas oo ay baahi weyn ay u qabeen bulshada ku nool degmadaas iyo degaanada ku teedsan.

Munaasabadaan loo qabtay xadhig ka jarka cisbitaalka Gurmad oo ay taabo geliyeen ururka Global G 36 ayaa lagu qabtay deegaanka Sabawanaag oo qiyaastii 150 kilo miter dhinaca bari kaga beegan magaalada Hargeysa.

Ujeedka loo hirgeliyay cisbitaalka ayaa waxa ay ahayd in uu deegaanka uu aanu lahayn xarun caafimaad oo loogu adeego hooyada iyo dhalaanka.

Baxnaan Xaaji Aadan, oo ka mida madaxda ururka Global G 36 oo daahfuray cisbitaalkan ayaa ka warbixiyay marxaladihi uu soo may cisdbitaalku.

Waxaanu yidhi. “Anigo ka wakil ah guddoomiyaha guud ee Gurmad waxaan doonayna maanta in aanu xadhiga ka jarno isla markaana aanu wareejino dhakhtarkii, kaas oo markii hore isku tashi bulsho lagu dhisay, balse markii danbe aanu dhammeystirnay oo aanu qabyotirnay, ILLAAHEY ayaa mahad iska leh maanta qalabkii iyo cisbitaalkiiba way dhammeystiran yihiin, degaano kalena sidan oo kale ayaanu uga hirgelin doona xarumo caafimaad”

Bulshada ku nool degaanka Sabawanaag ayaa ururka G 36 uga mahadceliyay dhammeystirka iyo qalabaynta cisbitaalkan, waxaanay xuseen wixii ururkaasi dadkiisa ku soo celiyay in uu aad iyo aad ugu ammaanan yahay.

 

 

Leave a Reply