Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Sheegay in Garaadada Gobolka Sool ay Diideen in Wada Hadal laga galo Nabada Laascaanood

0
257

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Golaha Guurida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay furay kal-fadhigii 81-aad ee golahaasi ayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda dalka, waxaanu in badan ka hadlay dagaalka Magaaladda Laascaanood iyo sidii nabad loohu soo dabaali lahaa.

Gudoomiye Salebaan ayaa waxa uu caddeeyay in qaranka Somaliland mar walba diyaar u yahay soo af-jarida dhibaatada ka taagan Laascaanood iyo sidii nabad waarta loo lehi lahaa, balse waxa uu gudoomiyuhu sheegay in arrintaasi ay ka hirgali wayday dhinac Garaadada Gobolka Sool oo uu sheegay inay ka dhego adaygeen in la helo jawi lagu wada hadlo si nabad loo gaadho, waxaanu qiray in aanay diraay u ahayn in la wada hadlo.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ‘’Shiqaaqooyinku waa iska badan yihiin waxaana ugu culus arrintaa bariga ee Laascaanood, muddona hadda way inala jiitamaysay, golayaasha qaranku waad ogtihiinoo bayaan bay soo saareen ay xabad joojin iyo in nabad la raadsho ku dhawaaqeen, walina way taagan tahay, xagga waxay ku laalan tahay Garaadada anigu meel kale oo aan u nisbeeyo garan mayo, mar haddii golayaashii iyo xukuumaddi ay yidhaahdeen waar aynu wada hadalno.

Wada hadalkiiba xidhmay garaadadaana xidhay, waa lagu maqan yahay xataa waftigii Xamar inooga yimi waa lagu wada maqan yahay, oo iyaguna waxay yidhaahdeen waxaanu u nimi nabadaasi balse waxaanu u sheegay in garaadadii yidhaahdeen idinla hadli mayno, dadku markuu wada hadlaa heshiis la gaadhaa, waftigaasi Xamar ka yimi waxa ay sheegeen inay jawaab ka sugayaan Garaadada Sool oo balantu maanta (shalay) ahayd ILLAAHAY ha waafajiyo oo wada hadalku haddii uu furmo waxaan hubaa in aynaan waxba isla diideen, balse jawaabtaasi ayaynu sugaynaa kuna duceeya in ILLAAHAY inoo fududeeyo’’.

Sidoo kale gudoomiyaha Golaha Gurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa intii uu hadalkiisa ku guda jiray waxa uu soo qaatay oo uu ka Hadley wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxaanu soo jeediyay gudoomiyuhu in la fuliyo qodobadii hore loogu heshiiyay si loo helo natiijo midha dhal ah waxaan yidhi

‘’Waxaan maqlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya dib ayay u bilaabmayaan oo madaxwaynuhuna cid buu u magacaabay, hadaynu Saomaliland nahay marnaba wada hadal mayanaan diidin balse waxa ay wada hadaladu ka socon waayeen dhinaca Dawladda Soomaaliya, yaan la odhan kaliya wada hadaladu ha furmeene maxay guddidu qaban hadii aanay dhinac Soomaaliya diyaar ba ahayn.

Wakhtigii Djabouti wada hadaladu way dhadhawaadeen balse dib bay u gurteen oo waa la noqon wayday, waftigii Madaxwaynaha waatii aanu raacnay, ninkii markaasi madaxwaynaha ka ahaa Soomaaliya isna waa joogay goobta, markaa waxa aanu ku rajo waynahay arrinta wada hadalada diyaar baynu u nahaye in ay midha dhasho haddii ay xagooda ka bilaabanto balse xaajadoodu waxa ay noqotay waanu wada hadlaynaa idinla hadlina mayno.

Wixii hore loogu heshiiyay ee la yidhi Dawladda Soomaaliya ha fuliso may fulin, waxaase loo baahan yahay in wixii lagu heshiiyay ay dhinacooda fuliyaan, markaa insha ALLAH way dhaqaaqi doontaa, wax nacayb ah oo ina dhex yaalaa iyo dagaal midna ma jiro, laba dal oo walaalo ah oo daris ah oo wax is tara aynu noqono, wada hadaladuna ha inoo socdeen, wixii aan xuduudadaasi maanta Isticmaarkii soo taagnaa aan ahayn wada hadalka diyaar baanu u nahay’’.

Leave a Reply