Dawaradu Waxa ay ka mid noqotay Shaqooyinka Caadiga Ah!

0
107

Moataz Zakaria, oo ah agaasimaha Xeer Ilaalinta magaalada Al-Nuzha ee Masar, ayaa ku bilaabay baadhitaan nin gaadhigiisa qaalig ah Malika u adeegsada dawarsiga muwaadiniinta.

Eedeysanaha ayaa ka hor qirtay dambi baadhayaasha arinkaasi, isagoo sheegay inuu yahay nafo , isla markaana gaadhigiisu yahay mid loogu talo galay dadka naafada ah.

Eedeysanaha ayaa intaa ku daray in maalin kasta oo Ramadaan ah, uu ka dawarsanayay wadooyinka magaalada Nuzha isla markaana gaadhigiisa uu dhigto waddo ku haboon.

Ninkan ayaa lacagat uu maalintii Ramadaanka dawarsiga ka helo ayaa noqota  1420 Gini. Sida u cadeeyay. Laamaha amniga ayaa qabtay ninkan odayga ah isagoo goobtiisa shaqada ku tegay gaadhiga qaaliga ah Maliki, waxaana laga helay markii la baadhay 1420 Gini, waxaana la qaadaya talaabo sharciga waafaqsan.

Dukaannada dadweynaha.

Dadka deggan xaafadda Hijaz Square ee degmada Nozha ee magaalada Qaahira ayaa warbaahinta bulshada isku weydaarsaday nin oday ah oo wata gaadhi maliki ee qaaliga ah, iyo kursi curyaan uu ka dawarsado Buundada cusub ee Hijaz isagoo dadka maraya baryaya. Laamaha amniga ayaa ku guuleystay in ay aqoonsadaan tuhmanaha isla markaana ay ku qabtaan lacag dhan 1420 Ginni, waxa uuna qirtay in lacagtaasi ay ka soo baxday howlihiisa dawarada ah. Dawaradu waa hab dhib yar oo si fudud aad ku heli karto lacag badan ayuu ku dooday, qof loo diida jira, kii doonayaba ha dawarsado ama maalqabeen ha ahaado ama sabool madaama lacag fududi ku soo gelayso.

Sharciga 49 ee soo baxay sanadkii 1933 ee Xeerka Ciqaabta ayaa qeexaya qodobo dhowr ah oo lagula dagaallamayo dawarsiga:

Qodobka (1) ayaa cadaynaya in lagu ciqaabi doono xabsi muddo aan ka badnayn laba bilood, qof kasta, lab ama dhaddig ah, oo jira shan iyo toban sano ama ka weyn, oo lagu arkay isagoo dawarsanaya dadweynaha ama dukaannada dadweynaha

Leave a Reply