Maxaad Rabtaa In Aan Kaaga Waramo?!

0
200

George Bernard wuxu ahaa qoraa u dhashay dalka Ireland dhamaadkii qarnigii 19aad wuxu ahaa raga aad wax uga qoray suugaanta, cilmiga bulshada iyo siyaasadda.  Waxaana uu ka mid ahaa kooxdii abuurtay urur  u dooda dadka saboolka ah. Odhaahda hadalka iyo jawaabaheeda ayuu si dhakhso ah u heli jiray marka qof kasta wax weydiiyo.

Maalin ayay gabadhi ku tidhi :”George haddii aan is guursano ka waran? George ayaa ugu jawaabay oo maxaynu ka faa’iidaynaa?

Gabadhii ayaa ku jawaabtay :” waxay iska dhali caruur caqli badan oo qurux badan sidaada, oo haddana qurux badan sidayda?  Isaguna wuxu ugu jawaabay :” Ka waran hadday sida kaleba u dhacdo oo aynu iska dhalo , Caruur sidaada caqli xun, oo sidaydana fool xun”. Wuxu ahaa nin dhuuban oo gadhweyn oo madaxiisuna xiiran yahay, wuxu u muujiyay in sida ay jeceshahay iyo  arinka ay neceb tahayba ay yihiin kuwo siman oo aan cidina damaanad qaadi Karin sida ay rabto.

Maalin kale nin maalqabeen ah oo ka cadhaysnaa dadka danyarta ah ee uu hadlo  ayaa ku yidhi :” “George, maxaad maalin walba lacagta iyo dadka hodonka ah u hadal haysaa oo wax uga qortaa oo wargeysyada iyo warbaahinta u gelisa?’.

Wuxu ugu jawaabay “ maxaad jeclayd inaan ka hadalo”? Hantiilaha ayaa ku yidhi :” Akhlaaqda iyo naxariista”.  Waxaana uu ku yidhi :” Waa waxa ka maqan adiga”.

 

 

 

Leave a Reply