“Xukuumada JSL Waxay Mudnaanta Koowaad Siiyay Helista Aqoonsi Caalami ah” Madadaxweynaha

0
278

“Xukuumaddu waxa ay xil-weyn iska saartay in ay cilaaqaad wanaagsan la sameyso cid wal oo gacan innaga siin karta kobaca dhaqaalaha waddanka, sugista amniga …”

 

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay xil-weyn iska saartay sidii ay cilaaqaad wanaagsan ula samayn lahayd cid kasta oo beesha caalamka ka tirsan oo Somaliland gacan ka siin karta kobaca dhaqaalaha waddanka, sugista amniga iyo in hore loo sii wado dedaalka helista aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay mudnaanta koowaad la siiyey helista aqoonsi caalami ah. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in gobolka geeska Afrika ay ka dhaceen isbeddello badan oo siyaasadeed iyo kacdoonno wata colaado, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay nabad-galyada guud ee mandaqadda, isbeddelladaasna siyaasadda arrimaha dibadda JSL u la tacaashay si degan oo taxaddir leh.

Madaxweynaha Mamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay khudbadii dastuuriga ahayd ee uu ka horjeediyay labada gole ee Baarlamaanka dalka, isaga oo ka hadlayay tallaabooyinka horumarineed ee loo qaaday dhanka siyaasadda arrimaha dibadana waxa uu yidhi “Shantii sanno iyo dhawrkii bilood ee laga soo gudbay waxa mudnaanta kowaad la siiyey helista aqoonsi caalami ah. Sida aynu la wada socono waxa gobolka ka dhacay isbeddello badan oo siyaasadeed iyo kacdoonno wata colaado, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay nabad-galyada guud ee mandaqadda.

Xukuumaddu isbeddelladaa taban ee ka dhacay gobolka iyo kuwa ka socda caalamka intiisa badan waxa ay siyaasadda arrimaha dibaddu u la tacaashay si degan oo taxaddir leh. Dhammaan isbeddelladaas dhibkooda dal ahaan waan ka samatabaxnay.

Dhanka kale, guulaha siyaasadda arrimaha dibadda laga sameeyey waxa ugu waaweyn sameynta xidhiidho cusub oo diblomaasiyadeed oo wax weyn ku soo kordhiyey qaddiyadda madax-bannaanida iyo horumarka dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumaddu waxa ay xil-weyn iska saartay in ay cilaaqaad wanaagsan la sameyso cid wal oo gacan innaga siin karta kobaca dhaqaalaha waddanka, sugista amniga iyo in hore loo sii wado dedaalka helista aqoonsi caalami ah.

Tusaale ahaan;

  1. Waxa qaddiyaddeena oo tafatiran la gaadhsiiyey dalal badan oo ku yaal Qaaradda Afrika. Sidoo kale waxa qaddiyaddeenna oo cilmiyeysan la geeyey waddamo badan oo ku yaal Qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Waqooyiga Maraykanka.
  2. Waxa guulo waaweyn laga sameeyey in xidhiidh cusub oo diblomaasiyadeed lala sameeyo dalal badan.
  3. Waxa ay Somaliland Xafiisyo Diblomaasiyadeed ka furatay waddamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Taiwan, Turkey iyo Norway. Sidoo kale waxa dalka laga furay safaarado dhawr ah oo dhammaantood loo soo magacaabay diblomaasiyiin iyo wakiillo arrimo dibadeed, kuwaas oo wakhtigan si rasmi ah uga hawl-gala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. Dalalkaa waxa ka mid ah Imaaraadka Carabta, Taiwan iyo Kenya.
  4. Waxa dalka yimi in ka badan 100 Xildhibaan oo ka kala yimi 15 dal, kuwaas oo intooda badani ay hoggaaminayeen guddi xaqiiqo raadis ah oo u kuur galayey Qaddiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo dalka yimi in ka in badan 16 wasiir oo ka kala socda caalamka. waxa Somaliland yimi afar Wasiir Arrimo Dibadeed oo ka kala socda dalal Afrikaan ah. Laba ka mid ah Wasiiradaa waxa ay ahaayeen ku-simayaal wasiir arrimo dibadeed. Halka labada kalena ahaayeen wasiiro buuxa.
  5. Waxaan safarro shaqo oo guulo waaweyni ka dhasheen ku tagey dalalka Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Kenya, Guinea Conakary, Itoobiya iyo Jabuuti.
  6. Safarkii aan ku tagey dalka Maraykanka waxa aan kulamo la qaatay Madaxda Dawladda Maraykanka ee Arrimaha Dibadda, Guddida Difaaca ee Baarlamaanka.

Waxa aan hadal ka jeediyey Mac’hadka Heritage Foundation oo ah mid ka mid ah xarumaha waaweyn oo fikirka siyaasadda Maraykan lagu alifo.

Safarkaas waxa ka dhashay in labada Aqal ee Maraykanku ay sameeyaan xeerar si cad u qeexaya in Somaliland iyo Maraykanku ay cilaaqaad rasmi ah yeeshaan. Kuwaas oo aakhirkii uu ka dhashay in taariikhda markii ugu horraysay Somaliland si toos ah loogu qoray Xeerka Difaaca Qaranka Maraykan ee loo Yaqaan National Defense Authorization Act (NDAA), kaas oo si gaar ah u xusaya in Somaliland iyo Maraykanku xidhiidh rasmi ah oo amni yeeshaan.

  1. Ka dib casuumada rasmi ah waxaan safar shaqo ku tagey dalka Kiinaya oo aan kula kulmay Madaxweynaha Dalka Kenya. Kulankaas waxa ka dhashay in labada dal ay si rasmi ah xidhiidh diblomaasiyadeed u yeeshaan. Kenya waxa ay safarkaas ka dib Somaliland ka furatay xafiis diblomaasiyadeed, waxaana ay Somaliland u soo magacawday Wakiil iyo hawl-wadeenno diblomaasiyadeed oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay arrimaha Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya ee soo bilaabmay 2012 waxaanu yidhi “Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya ee soo bilaabmay 2012 waxaynu ku galnay talo qaran oo aynu u dhammeyn. Mudadaa kow iyo tobanka sanno ahayd waxa la galay 9 wareeg oo wada-hadal ah. Kii ugu danbeeyey ee ka qabsoomay Jabuuti 2019-kii waxa aynu fagaare caalami ah oo ay ka soo qayb galeen dalalka Maraykanka, Midowga Yurub, Itoobiya, Jabuuti, iyo urur gobaleedka IGAD aynu si cad u soo bandhigay qaddiyaddeena iyo xaqa aynu u leehanay inaynu Aayaaheenna ka tashanno (Right to Self-determination).

Diyaar baynu u nahay in aynu sii wadno wada-hadallada, balse si ay wada hadalladu u noqdaan qaar midho dhal ah waxay Somaliland ku adkeysanaysaa in:

  1. In ay wada-hadalladu ku dhacaan Qaab Laba Dawladood, kuna soo dhammaadaan xal ah laba dawladood oo kala madax-banaan.
  2. In la ixtiraamo, si dhakhso ahna loo dhaqan-geliyo dhammaan heshiisyada ay hore labada dhinac u gaadheen.
  3. Waa inuu jiro Nidaam Dhex-dhexaadineed (International Mediation Mechanism) oo dammaanad qaadi kara in la fuliyo waxa lagu heshiiyo.
  4. In ay jirto Xog-hayn Caalami ah oo daacad ah, kuna sifowda dhex-dhexaadnimo.
  5. Waa in ay jiraan Mabaadii’ guud iyo hab-dhaqan lagu daadihiyo wada-hadallada.
  6. Waa in ay wada-hadalladu yeeshaan Ajende-cad oo lagu hoggaamiyo shirarka oo si cad u qeexaya Arrimaha Masiiriga ah ee la isku hayo (Core Issues of the Dispute).
  7. Waa in ay wada-hadalladu yeeshan wakhti cayiman oo lagu soo gabagabeeyo.

Waxaynu diyaar u nahay in la sii wado wada-hadallada oo aynu si mug leh uga qayb-galno, una soo bandhigno qadiyaddeena iyo mowqifkeenna.

  1. Gebo-gebo

32-sannadood ka hor, iyadoo aan daaro inoo dhisnayn oo magaalooyinkii inaga burbureen. Inaga oo aan Iskuulo, Jaamacado iyo Cusbitaallo aanay inoo jirin. Iyada oo aan shaqo iyo mushahar la qaataa aanu jirin. Bulshadii duruufta intaa leegi haysatay ayaa inta ay isu yimaadeen go’aansaday in ay dib ula soo noqdaan madaxbannaanidoodii, dalkoodiina dib u dhistaan. Dadkii duruufahaa goob-jooga u ahaa waxa ay arkayeen in jiilasha ka danbeeya ay ku naaloon-daanaan nolol ka wanaagsan tii wakhtigaa taagnayd, xoriyad iyo mustaqbal rajo leh.

Bulshadeena maanta joogta, gaar ahaan dhalinyarada, waxa ay leeyihiin nasiib. Waxa ay joogaan xilli dalku dhisan yahay, dawladnimadii inoo adkaatay, dhaqaaleheenii wanaagsan yahay, Ciidankeenii difaaca dalka ku filan yahay, Somalilandna tahay dal caalamka la jaanqaaday, waxaana waajib inagu ah in aynu ku faro-adaygno dalkeena iyo Nabadgelyadeena.

Dhinaca kale, waxa jira dhibaatooyinka inagu gadaaman oo ay ka mid yihiin Shaqo la’aanta, Qabyaaladda, Balwadaha, Dembiyada Bulshada Dhexdeeda ka Dhaca (Social Crimes) iyo Bisayl La’aanta Siyaasadda.

Shaqo La’aantu waa dhibaatada ugu weyn ee maanta dalka ka jirta. Xukuumaddu waxay hore u qaaday tallaabooyin lagu yaraynayo shaqo la’aanta, waxaanna u qorshaysan tallaabooyin kale oo lagu yaraynayo camal la’aanta.

Haddaba, Guud ahaan dhaqaalaha dalka waxay Dawladdu ka maamushaa 10%, haddana xukuumadduwaxay kordhisay Shaqaalaha Dawladda 80%, isla markaana waxay hirgelisay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. Sidoo kale Maalgashiga Gudaha iyo Dibedda ka yimaada wax walba wey u fududaysay, si loo kordhiyo shaqo-abuurka.

Dawlad iyo Shacabba Qaran ahaan weynu haysannaa Dhaqaale aynu dalkeenna ugu samayno maalgashi iyo shaqo-abuur.”

 

 

 

Leave a Reply