Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Boorama Ka Daahfuray Carwada Shaqo Abuurka Dhalinyaradda

0
165

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa shalay magaaladda Boorama ka daah-furay carwadda shaqo abuurka dhalinyaradda Somaliland.

Carwadan shaqo abuurka oo ay soo qaban qaabisay, soo na agaasintay wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland waxaa daah-durkeedda ka soo qayb galay wasiirka shaqo gelinta Cali Xoor-xoor, wasiirka Ganacsiga, iyo Dalxiiska, wasiirka Isgaadhsiinta, iyo Tignoolajiyadda.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta, qaranka Dr. Buuxane, agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha bulshadda Somaliland, qaar ka mida shirkadaha ganacsiga dalka, madax dhaqameed, xildhibaanno, badhasaabka Awdal, maayarka Boorama, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Carwadan shaqo abuurka dhalinyaradda Somaliland oo noqonayso tii afraad ee nooceeda ah oo dalka lagu qabto ayaa loogu talo-galay in hoos loogu dhigo heerka shaqo la’aanta dhalinyaradda.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo si rasmiya u daah-furay carwadaasi ayaa wasaaradda shaqo gelinta ku bogaadiyay sida meeqaamka sare leh ee ay u soo agaasintay carwadda Shaqo-abuurka ee sanadkan.

C/raxmaan Saylici, ayaa sidoo kale waxa uu fariin u diray bulshadda gobolka Awdal oo uu ugu baaqay in ay nabadgeliyadda ilaaliyaan. “Waan u mahad-naqayaa Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL oo si meeqaam sare leh u soo agaasintay carwadda Shaqo-abuurka ee sanadkan.

Reer Boorama waxaa lagu yaqaanaa horumar, dal jacayl iyo ilbaxnimo, waxaanan ku kalsoonay in ay si mug leh uga qayb-qaataan uga na faa’iidaystaan carwaddan.

Fariintayda ugu culusi waxa ay tahay in nabadda la adkeeyo, si ay u suurto-galaan horumarka iyo yoolasheena kale ee aynu hiigsanayno” ayuu yidhi Cabdiraxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).

Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Cali Cumar Maxamed (Cali-xoor-xoor), oo isna furitaanka carwadda hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in ay la dareen yihiin dhalinyaradda dalka.

Waxaanu sheegay inay mudooyinkii u danbaysay la imanaysay wasaaradu barnaamijyo kala duwan oo lagula tacaalayo sidii loo dhimi lahaa heerka shaqo-la’aanta.

Waxaanu yidhi, “Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL, iyada oo gudanaysa wajibaadkeeda shaqo, waxay mar walba la dareen tahay dhalinyaradda.

Waxaanay mudooyinkii u danbaysay la imanaysay barnaamijyo kala duwan oo lagula tacaalayo sidii loo dhimi lahaa heerka shaqo-la’aanta.

Hadda ba, dhalinyarta gobolka Awdal, waxaan uga baaqayaa in ay ka faa’iidaystaan fursadan.

Waxaanan kula dar-daarmayaa in nabada iyo deganaanshiyaha la adkeeyo. Reer Awdal, waxa noo balan ah horumar, ilxbanimo iyo aqoon”.

Geesta kale Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa furitaanka ayaa wasaaradda shaqo gelinta ku amaanay qabashadda carwadan shaqo abuurka.

Wasiir Saajin, ayaa sidoo kale dhalinyaradda gobolka Awdal si gaara ugula dar-daarmay in ay ka faa’iidaystaan carwadan shaqo abuurka dhalinyaradda.

“Waxa aan leeyahay wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska shaqo fiican baad qabateen. Waxaanad gudateen waajibaadkiinii, Alle abaal-marinteeda ha idin siiyo.

Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa shirkaddaha sida hufan uga qayb-qaadanaya carwaddan iyo dhalinyarta aqoonyahanka ah ee ku tartami doonta, anigoo ku boorinaya in laga faa’idaysto fursadaha shaqo ee gobolka Awdal hor yaala” ayuu yidhu Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Agaasimaha Waaxda Shaqo-abuurka, Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska, Maxamed Axmed Cabdiraxmaan, ayaa isna ku dhiiri geliyay guud ahaanba dhalinyaradda Somaliland gaar ahaana kuwa Awdal in ay ka faa’iidaystaan carwadani.

Waxaanu yidhi “Waxa gobolka Awdal uu caan ku yahay aqoon iyo horumar, waana inta aynu dheernahay goboladda kale ee dalka.

Sidaa darteed, waxa aan rejaynayaa in aynu ka faa’idaysano carwaddan kuna dhiirigelino dhalinyaradda in ay hab-nabadeed uga qayb-qaataan geedi-socodka carwadda”.

Dhanka kale waxaa iyagna halkaas ka hadlay wasiirrada wasaaradaha Isgaadhsiinta Dr. Cabdiwali Cabdilaahi, wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Axmed AadamBuuxane, badhasaabka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), maayarka Boorama, iyo madax dhaqameed, iyo masuuliyiin ka socday shirkadaha ganacsiga.

Waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyeen carwadana shaqo abuurka dhalinyaradad, oo ay ku tilmaameen mid wax badan ka tari doonta caqabadaha dhalinyarada ka haysta helitaanka shaqooyinka.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply