Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo qalab kala duwan kala wareegtay WHO

0
192

Xubinta koowaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo agab caafimaadkala wareegtay hay’adda caafimaadka adduunka.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa xubno ka tirsan hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO kala wareegay qalabka sheybaadhka kaasoo loogu talo galay xarunta sheybaarka Somaliland.

 

Munaasabaddan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa ka waramay qalabkan iyo waxyaabaha uu ka kooban yahay iyo faa’idada uu leeyahay.

“Maanta qalabka laabka ayaynu kala wareegayna hay’adda WHO, xannuunada dilaaca ayaa soo noqnoqonayay, si loo xaqiijiyana waxa ay u baahnaayeen awood laab oo dhammeystiran, waxa aynu bilaabayna laabkii Qaran, waxa aynu tallaabadiisa qaadanaysa sidii aynu u helilahayn laab Qaran, kaas oo aynu ku baadhi doono waddanka oo dhan wixii ka dilaaca, mararka qaarkoodna dalalka jaarkeena aynu ugu adeegilahayn, WHO waxa ay keentay mishiinadii lagu bilaabilahaa shaqada laabka Qaranka”

Leave a Reply