Markasta waxay ahaayeen qoys is haysta oo muranku ku badan yahay, werwer badan ayay ku abuureen caruurtooda iyo qoyska intiisa kale.
Markii ay Macalimadu ardayda u dirtay inay soo qoraan curis cinwaankiisu ahaa “ Maxaad jeceshahay inaad noqoto?”.
Arday kasta waxa uu qoray waxa uu jecelaan lahaa inuu noqdo. Macalimaddii markii ay ardaydu wada keentay waraaqihii waxay bilawday inay akhrido. Arday ay si gaar ah u rabtay inay ogaato fikirkiisa iyo waxa uu jecel yahay markii ay warqadiisa akhriyaysa ayay ilmaysay. Iyadoo werwersan ayay gurigeeda ku noqtay.
Markii uu ninkeeddu usoo galay iyadoo wejigeedu bedelan yahay wuxu weydiiyay waxa ku dhacay waxayna u dhiibtay warqadii ardayga yari uu qoray waxaana ay ku tidhi akhri:
Wuu bilaabay, waxaana ku qora : “ Waxaana jeclaan lahaa inaan noqdo TV gurigayaga ee ay dawadaan qoysakayagu , waayo markay daawanayaan waxay ka helaan farxad badan, inaan noqdo mid lagu farxo oo lagu soo ururo ayaan doonayaa, halkii aan ilbidhiqsi kasta ka ahaan lahaa mid werwera “ .
Markii uu dhameeyay ayuu yidhi: “ Waan ka xumahay waa wiil aad u murugoonaya, laakiin maxaan u qaban karaa? “. Markaasi ayay ku tidhi “ Miyaad garanaysaa wiilkaasi ? wiilkaasi waa inankeena yar ee aynu dhalay ayay ku tidhi. Sidaasi ayay caruurta werwer uga hayaan muranka iyo dagaalka labada waalid, ilaa uu jeclado inuu noqdo waxaan jirin oo aan nooleba ahayn. Muranka iyo rebeshada waalidkuna waxay ubadka ku abuuraan niyad jab iyo werwer