4 qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday macbadka Yuhuuda ee ugu da’da weyn Afrika

0
215

Laba qof oo ilaalo ah iyo laba qof oo ka mid ah dadkii soo booqdaya ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay meel u dhow macbadka ugu da’da weyn Afrika, oo ku yaal jasiiradda El-jerba ee dalka Tunisia.

Weerarkan ayaa dhacaya xilli ay sanad walba dad aa u badani u soo xaj tagaan ee jasiiraddaasi, taas oo soo jiidata dadka Yuhuuda ah ee ka imanaya Yurub iyo Israa’iil.

Qof lagu sheegay inuu ka mid ahaa ilaalada ayaa la sheegay in uu toogtay saaxiibkii ka hor intaanu ka qaadan qoriga ka dibna aanu rasaas ku furin dadkii ku soo booqday iyo ciidamadii ammaanka ee agagaarka sugnaa, waxaana la sheegay inuu markii danbe is dilay. Ma cadda ujeedada weerarkani.

Mid ka mid ah dadka martida ah ee la dilay ayaa u dhashay Faransiiska. Afar kale oo dadkii soo booqday ka mid ah iyo shan ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa ku dhaawacmay.

Ma cadda in dadka soo booqday ay ahaayeen xujey iyo dad kale. Fiidiyowga la soo galiyay online-ka, oo aan si madax-banaan loo xaqiijin, ayaa muujinaya dadka soo booqday oo ordaya iyada oo rasaastu dhacayso.

In ka badan 5,000 oo Yuhuud ah ayaa gudashada waajibaadka xajka u yimi El-Ghriba 2022, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, iyada oo soo xiganaysa qaban-qaabiyeyaasha maxalliga ah. Ma aha markii ugu horreysay oo la beegsado macbadkan.

Sannadkii 2002-dii weerar bambaano, oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay mintidiinta Islaamiga ah ee al-Qaacida, ayaa lagu dilay in ka badan 20 qof jasiiradda.

Macbadkan Jasiirada El-jerba – oo qiyaastii 500km (310 mayl) u jirta caasimadda Tunis – ayaa lagu tilmaamaa kan ugu dada weyn Afrika,waxaana lagu tilmaamaa inuu jiro 2,500 oo sano. Ammaankiisa aya aad loo adkeeyaa  tan iyo markii uu qaraxa dhacay.

Tuniisiya waa waddan muslimiin ah oo u badan, laakiin El-jerba waxaa ku nool boqolaal Yuhuud ah.

Leave a Reply