Ciidamada Xeebaha oo Dhalinyarada uga Digay Dabaalasha Badda

0
219

Berbera (Dawan) Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa ka hadlay Alle ha,Unaxariisto labo qof oo ku dhintay bada Batataale ee Magaalada Berbera.

Taliyaha Saldhiga Ciidamada Ilaalada Xeebaha Berbera Gaashaanle sarre Cumar Caadil Qalinle ayaa waxa uu sheegay in Alle, ha, Unaxariistee Barwaaqo Ibraahim Xasan Cabdi Saleebaan Siciid oo ku dhintay Badda Berbera ay Ciidamada Ilaalada xeebaha ka soo saareen,waxaana uu usoo jeediyay shacabka in dhalinyarada ka wacyigaliyaan imaatinka Badda.

Cumar Caadil oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Ciidanka Ilaalada xeebaha isaga oo habeen iyo Maalin heegan ugu jira ilaalinta nabedgalyada dad kiisa ay dhibaatadu la kulanto ee qaranka Badda,waxa aanu gurmad u fidinay sidii dhalinyaro Badda ku qarantay looga soo saari lahaa.waana lagu guulaystay oo waa laga soo saaray.waxaana aan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadaa Marxuum ee Dhalinyarada ee ku geeriyooday Badda Batalaale,waxaana magacyadoodu kala ahaayeen Barwaaqo Ibraahim Xasan Cabdi Saleebaan Siciid waana.waxa halkan baaq uga dirayaaa dadweynaha Somaliland,waxa soo badanaya Dhalinyarada Badda Batalaale u soo dabaal taga ee ku dhimanaya Badda,Waalidka haka wacyigaliyaan Dhalinyarada imaatinka Badda waa markii labaad ee toddobaadkan gudihiisa dad ku dhintaan.waxa aan leeyahay dhalinyarada halaga Wacyigaliyo imaatinka Badda ma,yaqaanaan dabaasha,”.

 

Leave a Reply