Xuska Sanad-guurrada 32aad ee JSL iyo Guullaha ay Gaadhay

0
353

Xuska iyo xusuusta maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May oo ku beeggan todobaadkan dabayaaqadiisu, waa maalmo kale, Taariikh ma guurto ah mucjiso Geeska Afrika laambad Iftiin weyn u shidday, Dhawaaq sidda dhambaal culus oo dunida ku socda iyo dhamaadka dharaarro sedkoodu buuxsamay oo foollanaya.

Mar kale, waa meerto xusuus u ah mahadhooyin laba qarni soo taxnaa oo taagan marxalad kale oo kala wareeg ah, xilli miidaanka geedigu ku fool leeyahay qormo iyo qeerraaro tigaad iyo taran leh oo toobiyihiisuna yahay mid si fiican loo sahamiyey.

Mar kalena, higilka iyo humaagga is-huwan ee Mandaqada hadheeyey waa ifafaale muujinaya cadceed cusub oo u soo baxayday dunida qayb kamida iyo midho-dhalka mabda’iida dib u soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo nabad, horumar iyo dawladnimo meel hoose laga soo unkay ku soo gaadhay sanad-guuraddii 32-aad oo aynu u dabaal-degayno, maalinteediina soo socoto inshalah haddii alle yidhaahdo.

Maamuska iyo Milgaha ay munaasibada xuska Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland leedahay waxay ku yaallaan dhafoorka iyo dareenka dibad-yaalka ah ee bulshadeenna, Dawlad iyo shacab, waxaana ka muuqda in sanadba sanadka ka dambeeya ay sii xoogaysanayaan heerka Waddaniyadda iyo yihdidiillada umaddeenu ka qabto inay mar uun gaadhaan guusha aqoonsi caalami ah oo ah shayga qudha ee dalkeenu u ooman yahay, maadaama uu buuxiyey Shuruudihii Dawladnimo dal madaxbanaan looga baahnaa.

32 sanno oo ay Somaliland ahayd Dal madaxbanaan oo leh xuduuddo qeexan, nidaam dawladnimo oo Dastuur iyo haykal maamul leh, awood Dad, Calan, lacag u gaar iyo dhamaan tiirarka qaran lagu qiimeeyo, waxa ay qabsatay waxyaabo badan oo ku adag wadamo dunida ka mida oo wax isbida marka la jooggo goleyaasha caalamka.

Waxa kale oo aynu dhisanay hannaan maamul iyo is-aaminaad Qaran oo sida lagu suurto-geliyaa ay adag tahay marka la eeggo hirdanka adduunka ka jira iyo hab-dhaqanka bulshooyinka.

Guullaha ay Somaliland gaadhay, waa kuwo bannaanka yaalla oo uu adduunka iyo umaddeenuba ogsoon yihiin, hase innaga oo ku salaysanyna sooyaalka taariikheed ee aynu xusayno, waxa laga maarmaan ah in aan is-xasuusino, sidii dhaqanka ahayd marka ay timaado 18 May.

Sidaas awgeed, akhristeyaal waxa aynu caddadyada soo socda ee Wargeyska Dawan idiinku soo gudbin doonaa qormooyin taxane ah oo ku saabsan geedi-socodka taariikheed dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxyaabaha waaweyn ee qabsoomay iyo horumarka aynu ka samaynay dhinacyada Dawlad dhiska, Dhaqaalaha iyo kaabeyaasha nololsha.

Haddaba, haddii aynu ku bilowno dhanka Dawlad dhiska, markii ay shuhadaddii SNM gacanta ku dhigeen gobolada Somaliland, kaddib halgan dheer oo sanado socday, hogaankii ururku waxay si dhakhso ah u abaabuleen in dib-u-heshiisiin laga bilaabo dalka, waxaana ka dhacay magaalada Berbera intii u dhaxeysay 15kii ilaa 21kii Feebarwari 1991kii, shir nabaddeed dhex maray hoggaankii SNM iyo wakiilo ka socda beelaha Somaliland.

Shirkani wuxuu aasaas u ahaa Shirweynihii balaadhnaa ee ka dhacay magaalada Burco intii u dhaxaysay 27-kii Abriil iyo 18-kii May 1991-kii, kaasoo ujeedaddiisu ahayd in lagu yagleello qorshihii iyo qaddiyadii lagu jihayn lahaa umadda Somaliland, kaddib 31 sanno oo kaga lumay, dawlad-xumo, silic, dagaal iyo qaxoonti, kuna soo gaadheen marxaladan burburka ahayd markaa, iyagoo aan dhadhamin macaan dawladnimo, waxqabad iyo horumar teer iyo maalintii ay gobanimada ka qaateen maxbiyaddii Ingiriiska.

Shirka Aayo-ka-tashiga ahaa oo ay u dhamaayeen beelaha Somaliland, socdayna muddada kor ku taariikhaysan, ajandihiisuna ahaa walaalaynta ummadda iyo go’aaminta masiirkooda, waxa ka qaybgalay dhamaan Madax dhaqameedka , Waxgaradka, Ganacsatada , Siyaasinta Somaliland iyo Xubnihii iyo hogaankii ururkii SNM.

Maalmo iyo madallo gaar gaar iyo kulamo guudba lahaa, kaddib shirkaasi waxa ka soo baxay qodobo aasaas u ahaa dhismaha Jamhuuriyadda soddon iyo laba jirsatay, meeshana ka saaray israacii dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya 1 July 196O ee nidaamkii Jamhuuriyadda Soomaali, taasoo halkaasi lagu soo afmeeray nololsheeda sannado badan oo ay bukaan socod ahayd.

La soco

Leave a Reply