Gabadh uu dhalay Madaxweynihii hore Zimbabawe iyo Ninkeeda oo isku haysta hantidii ay urursadeen

0
132

Kiiska furriinka ee u dhexeeya gabadha uu dhalay madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe iyo ninkeeda ayaa muujiyey hantida faraha badan ee qoysku urursadeen – oo ay ku jiraan guryo la deggan yahay oo qiimahoodu ku dhow yahay $80m (£ 64m).

Bona Mugabe, oo 33 jir ah, ayaa bishii March ninka ay u dhaxday oo lagu magacaabo Simba Mutsahuni Chikore  waxa uu ka gudbiyay Kiis furiin, wuxuuna codsaday in hantida ka dhaxaysa qaybsigeeda lagu qaado kiis kale oo maxkamadeed.

Simba Mutsahuni Chikore oo ah duuliyihii hore ee diyaaradaha ayaa Warbaahinu aragtay waraaqo maxkamadeed oo uu gudbiyay Mr Chikore 28kii Abriil  inkasta oo aan la arag wax jawaab ah oo ay bixisay Ms Mugabe.

Waxa uu dalbanayaa in si wadajir ah loo sii hayo saddexda carruur ah ee ay lammaanahanu dhaleen iyo in la qaybsado hantida, kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan 21 beerood, kuwaas oo qaar ka mid ah ay la wareegeen qoyska Mugabe xilligii muranka dhaliyay ee lala wareegayey beero ay lahaayeen dadka cadaanka ah muddo ku dhow labaatan sano ka hor, wakhtigaas oo ay dawladdu qaadatay. Siyaasaddii ahayd “hal nin hal beer”.

Mr Chikore waxa kale oo uu taxay 25 guri oo ay ku jiraan guri weyn oo ku yaala Dubai – oo qiimahoodu dhan yahay $80m, baabuurta raaxada, qalabka beeraha iyo boqolaal kun oo doolar oo lacag caddaan ah.

Waxa uu sheegay in hantidaasi ay ku heleen keli keli iyo si wada jir ah intii ay is guursadeen, iyaga oo ku helay dhaxal iyo deeqo uu keli uga helay Madaxweynihii geeriyooday oo lagu siiyey shaqo loo wakiishay.

Waxa uu intaa ku daray in hantidan uu tixay ay dhibic bad ku dhacday ay tahay, marka loo eego hantida ay Ms Mugabe leedahay.

Dadka reer Zimbabwe ayaa si lama filaan ah uga fal celiyay heerka ay gaarsiisan tahay hantida uu urursaday mid ka mid ah carruurta uu dhalay Mr Mugabe.

Isaga oo ka jawaabaya, George Charamba, oo ahaa afhayeenka Mr Mugabe, haatanna ka shaqeeya xafiiska madaxweyne Emmerson Mnangagwa, ayaa beeniyay in lammaanuhu ay lahaayeen 21 beerood.

“Dhammaan dhulka Beeraha waxaa iska leh wadanka, iyada oo beeraleydu ay u isticmaalayaan LEASE BASIS,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray.

Waxa uu intaa ku daray in qofna aanu ka dhisin wax siyaasad ah ama muran ku saabsan waxa loogu yeedho 21 beerood oo la sheegay in ay leeyihiin Cde Bona iyo Ninka ay kala maqan yihiin.

Ma cadda goorta uu dhammaan doono kiiska furriinka – oo la horgeynayo maxkamad ku taal caasimadda, Harare -.

Ms Mugabe iyo Ms Chikore ayaa ku aqal galay aroos aad u qurux badan sanadkii 2014-kii kaas oo ay ka soo qeyb galeen madax badan oo Afrikaan ah – waxaana si toos ah looga sii daayay TV-ga dowladda.

Mugabe ayaa geeriyooday 2019-kii isagoo 95 jir ah, waxaana la sheegay in aanu ka tagin dardaaran. Waxa uu ifka kaga tagay xaaskiisa Grace, Bona, laba wiil iyo wiil carruurtiisa la walaal ah.

Waxa uu xukunka Zimbabwe hayay laga soo bilaabo markii ay xornimada qaadatay 1980 ilaa 2017 uu xilka ka tuuray Mr Mnangagwa oo ay isbahaysi hore la ahaayeen.

 

Leave a Reply