Guddida Dacwadaha Cashuuraha oo mudeeyey u garnaqa Hay’ad xukuumadeed Iyo shirkad ganacsi

0
119

Hargeysa (Dawan)- Guddida Dacwadaha Cashuuraha ayaa khamiistii u fadhiistay dacwad cabasho cashureed oo ka dhaxaysay Waaxda Kastamada ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada JSL iyo Shirkada Halsan Trade.

Fadhiga garnaqa dacwada oo ay ka qayb galeen garyaqaanada labada dhinac ee dacwadu u dhaxayso ayaa Guddida ka Garnaqa dacwadaha cashuurahu soo saareen wakhtiga dhegeysiga dacwadu bilaabi doonto.

Qoraal lagu baahiyey barta FB-ga Guddida Dacwadaha Cashuuraha ayaa lagu sheegay in dacwada u dhexeysa labada dhinac dhegeysigeeda loo mudeeyey maalinta Axada ee taariikhdu tahay 14 May, 2023.

Guddida Dacwadaha Cashuuraha oo lagu aasaasay labada xeer ee Xeer lr. 72/2016 Cashuuraha Berriga & xeer lr. 73/2026 ee Kastamada JSL ayaa muddadii ay shaqeynayeen dhegeystay, isla markaana go’aamo ka soo saaray dacwado cabasho cashuureed u dhexeeyey waaxyaha dakhliga Wasaarada Maaliyadda iyo Ganacsatada dalka qaarkood.

 

 

 

 

Leave a Reply