Badhasaabkii Hore ee Gabiley oo ka Dareen Caliyay Xil Ka Qaadistiisa

0
162

Gabiley (Dawan): Badhasaabkii hore ee gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo uu Khamiistii xilkii ka qaaday madaxweyne Biixi, ayaamka dareen celiyay xil ka qaadistiisa.

C/qani Jiidhe, ayaa madaxweyne Muuse Biixi, uga mahad celiyay mudadda dheer ee uu la soo shaqeeyay. Badhasaabkii hore ee Gabiley oo qoraal uu arrintaa kaga hadlayay baahiyay waxa uu ku yidhi sidan:

“Mahadcelin Madaxweyne…”

Mudane madaxweyne waxaan kaaga mahad celinayaa mudadii aadka u badnayd ee aan Dhinacaaga ka shaqayanayay iyadoo aad i siisay tageero Mug iyo Miisaan leh, iyo Fursad wanaagsan oo aan ku gula shaqeeyo mudo badan.

Mudane madaxwayne waa sunaha dawladnimo in maalinba qof qalinka loo dhiibo oo kan kalena la Nasiyo.

Waxaan kaaga mahadcelin inaad maanta i nasiso. Waxaanan aad u soo dhawaynayaa Saxiibkay oo aan hore xilka ugala wareegay Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, isagana ku wareejiyay Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo gudoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.

Waxaan si gaara ugu Mahadcelinayaa wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha, Maamulka Degmada Gabiley, Degmooyinka kalle ee gobolka gabilay, iyo Bulsho waynta Gobolka Gabiley sidii quruxda badnayd ee ay iila shaqeeyeen mudadii aan xilka hayay.

Alla Mahad Leh.

Abdiqani Mohamud Jiidhe.”

 

Leave a Reply