In ka badan 10 qof ayaa todobaadkii toogasho lagu fuliyaa Iran: Qaramada Midoobay

0
139

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa Salaasadii sheegay in Iran ay todobaadkii toogasho ku fuliso in ka badan 10 qof taas oo ah sanadkiiba celcelis ahaan.

Ugu yaraan 209 qof ayaa lagu toogtay dalka tan iyo 1-dii January ee sanadkan, waxaana loo dilaa dambiyada la xidhiidha daroogada, laakiin bayaan ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in tirada dhabta ah ee la dilay ay aad uga badan inta la sheegay.

” Celcelis ahaan marka la eego tirada sanadkan, in ka badan 10 qof ayaa lagu dilaa Iran toddobaad kasta, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya adduunka,” ayuu yidhi Turk.

“Marka la eego heerkan, Iran waxa ay ku socotaa waddo la mid ah tii sannadkii hore markii la sheegay in ku dhawaad ​​580 qof lagu dilay,” ayuu raaciyay, isaga oo rikoodhkan ku tilmaamay wax laga naxo.

Iran ayaa Isniintii daldalaad ku fulisay laba nin oo lagu eedeeyay inay aflagaado ku faafiyeen baraha bulshada. Maraykanka uayaa cambaareeyey dilalka sidoo kale Amnesty International ayaa ku tilmaamtay in Jamhuuriyada Islaamiga ah uu xukunkeeda dilka ahi xad dhaaf yahay.

Sabtidii, Iran waxay xukun dil ah ku fulisay Xabib Chaab oo ahaa nin u dhashay Sweden iyo Iran, kaasoo lagu eedeeyay arrimo argagixisanimo, taasoo keentay in Sweden iyo Midowga Yurub ay si weyn u dhaleeceeyaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 45 qof, oo ay ku jiraan 22 qof oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Baluch, la toogtay 14-kii maalmood ee la soo dhaafay. Inta badan waxaa lagu fuliyay eedeymo la xidhiidha daroogada.

“Ku soo rogida ciqaabta dilka ee dambiyada daroogada waa mid aan waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka,” ayuu yidhi Turk,.

“Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa soo jeedinaya mamnuucidda ciqaabta dilka ee aan ahayn ‘dambiyada ugu waaweyn’ – dembiyada culeyska culus, ee ku lug leh dilka ula kac ah. Waxayse sheegeen in dambiyada maandooriyuhu aanay gaadhsiisnayn heerkan.”

Leave a Reply