Sirta Caafimaad ee Shaaha Liinta leh iyo Xilliyada ugu habboon ee la cabbo.

0
215

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona sirta caafimaad ee ku jirta Shaaha liinta leh iyo xilliyada ugu habboon ee la cabo.

Shaahu waa cabitaan inta badan laga heli karo guri kasta, dadka qaar waxa ay jecelyihiin shaaha bigayska ah, qaarna shaaha cadayska ah, halka qaar kalena ay ka ka helaan shaaha liinta leh.

Shaahu waxa uu qeybsamaa dhowr nooc oo kala ah shaah madow (black tea), shaah cad, shaah cagaaran iyo oolong tea. Soomaalidu waxa ay cabtaa shaaha madow (black tea).

Qormadaan waxaan dul istaagi doonaa shaaha liinta leh.

Waxaa maxay shaaha liinta leh?

Waa nooc ka mid ah shaaha madow oo liin dhanaan lagu daro shaaha oo lagu daro liin dhanaanta ma’ahan keliya inay hagaajinayso dhadhankiisa, balse waxay kaloo wanaajinaysaa midabkiisa waxayna siyaadinaysaa waxtarkiisa caafimaad.

Shaaha liinta leh waa cabitaan ku fiican in qofku uu maalintiisa ku bilaabo, Liinta waxaa ku jirta maado jirka sunta ka saarto taas oo xoojisa habdhiska difaaca jidhka, dhiig karkana hoos u dhigta, kana hortagta duriga.

Waa maxay faaidooyinka caafimaad ee shaaha liinta leh?

Caawinta cunno shiidista:

Cabista Shaaha liinta leh oo subaxdii lagu bilaabo, waxay caawisaa cunno shiidista, iyadoo jidhka ka sifeynaysa sunta iyo qashinka, Fitamiin C-ga ka buuxa shaaha liinta leh, waxa uu yareeyaa dibirada, dheefshiid xumada iyo laabjeexa, waxaana hoos u dhigaa fursadda infekshannada ku dhaco cunno mareenka.

Waxaa intaas dheer, shaaha liin dhanaanta leh waxa uu dhiirrigeliyaa soo saarista asiidhka caloosha iyo dheecaanka bayl, tani waxay caawinaysaa burburinta cunnada iyo nuugista nafaqooyinka.

Dhimista miisaanka:

Sida la ogsoon yahay cabbista shaaha liinta leh waxay dedejisaa miisaan dhimista, cayilka xad dhaafka ah waxa uu horseedi cilladaha wadnaha la xidhiidha sida dhiig karka iyo xanuunka xanniba xididada ee “atherosclerosis” , Fitamiin C waxa uu caawiyaa in jidhku uu dufanka uga faa’idayto tamar.

Kontaroolista sonkorta dhiigga:

Shaaha liin dhanaanta lagu daro waa cabitaan aad ugu fiican dadka qaba xanuunka macaanka, waxaa ku jirta maado la yidhaahdo “hesperidin” taas oo ka shaqaysiisa dheecaan burburiyeyaasha jidhka, taas oo saamaysa heerka sonkorta  dhiigga Tani waxay ilaalisaa in dheecaanka insulin-ta uusan dhaafin heerkiisa dabiiciga ah, waxayna ka hortagtaa sonkorowga ama Macaanka.

Ka hortagga Kansarka:

Shaaha liin dhanaanta leh waxaa ku jira madooyin liddi ku ah kansarka, sida fitamiin C, oo ah sunsaare, kaas oo ka hortagga dhaawaca xididada xorta ah (free radicals) ay gaadhsiiyaan unugyada jidhka.

Waxa uu joojiyaa koriimada unugyada kansarka, sidaas darteed waxa uu yareeyaa fursadda cudurka kansarka.

Waxaa intaas dheer, liin dhanaanta waxaa ku jira maado kale oo la yidhaahdo “limonoids”, taas oo ka hortagta kansarka noocyadiisa ku dhaca malawadka, naasaha, sambabada iyo afka.

Sunsaarista jidhka:

Shaaha liin dhanaanta leh waxaa uu caawiyaa sunsaarista (detoxification), taas macnaheedu waa in uu jidhka ka sifeeyo sunta dhammaanteed, haddii ay suntu jidhka ku uruurto waxa ay dhawacda habsami u shaqaynta jidhka, Faytamiin C-gu waxa uu jidhka ka nadiifiyaa sunta wuxuuna uu ka hortagaa cudurrada iyo infekshannada.

Daweynta hargabka iyo ifilada:

Haddii u nugushahay hargabka iyo ifilada, taas macnaheedu waa in difaaca jirkaagu uu hooseeyo waxaadna u baahan tahay inaad ku xoojiso cabista shaaha liinta lagu daro. Liin dhanaanta, maadaama ay hodan ku tahay fitamiin C, waxa ay ka hortag iyo dawaba u noqon kartaa hargabka iyo ifilada.

Haddii aad qabto cune xanuun, cab shaah kulul oo liin dhahaan leh , sida aad uga nafisto cune xanuunka.

Caafimaadka wadnaha:

Ma ogtahay in cabista shaaha liinta leh ay sare u qaado caafimaadka wadnaha, Shaaha liinta leh waxaa ku jirta maado lagu magacaabo “quercetin”, taas oo la arkay inay caawiso daaweynta iyo ka hortagga wadne xanuunka.

Nuugista macdanta xadiidka:

Fitamiin C, waxaa lagu yaqaannaa inuu wanaajiyo nuugista xadiidka nooca “non-heme iron”.
Jidhku waxa uu u baabahay xadiid si uu u sameeyo haemoglobin-ta, oo ah barootiin laga helo unugyada dhiiga cas ee jirka kula qaada curiyaha hawada ah ee “oxygene”.

 

Xadiidka nooca non-heme oo laga helo cunnada dhirta, jidhku si fudud una nuugo, sida darteed cunnada kadib oo la cabo shaaha liinta leh, waxay kobcinaysaa nuugista macdanta xadiidka.

Daaweynta cilladaha maqaarka:

Haddii aad qabto cilladaha maqaarka ku dhaca sida fin-doobka iyo haaraha, cab shaaha liin dhanaanta leh sababtoo ah waxaa ku jira fitamiin C kaas kaxeeya haaraha iyo finanka, islamarkaana maqaarka iftiimiya.

 

Cabista shaaha liinta lagu daro waxa ay caawinaysaa wareegga dhiigga, nadiifinta iyo sifeynta jidhka, waxa kale oo daahinaysaa gabowga, iyadoo ka hortagaysa dhaawaca waxa loo yaqaanno “free radicals”.

Sidee loo diyaariyaa shaaha liinta leh:

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 koob biyo ah
  • Hal xabbo oo bacaha yaryar ee caleenta shaaha ah ama 2 qaado oo yaryar oo caleenta shaaha ah.
  • Hal xabbo oo liin dhanaan ah biyaheeda
  • Sonkor ama malab

Habka diyaarinta shaaha liinta leh:

  • Karkari biyaha
  • Ku dar caleenta shaaha, u daa 2 illaa 3 daqiiqo.
  • Miir kadibna ku dar biyaha liinta.
  • Ku darso sonkorta ama malabka.

Digniin: ka fagow shaaha liin leh haddii aad uur leedahay ama aad ilmo aad nuujiso. Sida oo kale, ka dheerow shaaha liin dhanaanta lagu daro hadii aad leedahay shuban ama xanuunka mindhicirrada kacsan (irritable bowel syndrome).

Diyaariye: Hirsi Ahmed

 

Leave a Reply