Is Fahanka Ardayga Iyo Macalinka!

0
267

Markii  maclinka dhowr arday  weydiiyay mid kasta shaqada uu aabihi qabto, ee si fudud oo dhakhso ah uga wada jawabeen, ayuu soo gaadhay inuu weydiiyo arday  da’diisu yar tahay su’aasha.

Ardayga yar ayay murugo ka muuqatay aamusna kaga jawaabay. Ka dibna maclinka ayaa su’aasha ku celiyay isagoo kor u dhawaaqay oo yidhi :” Waar noo sheeg aabaha wuxu ka sheqeeyo isagoo cadho ka muuqato?” . Ardayga ayaa istaagay isagoo niyad jabsan Waxaana uu yidhi :” Aabahay wuxu jiifaa Xabaashiisa”.

Dareenka ardayga yar  wuu is bedelay markii kuwii ka horeeyay dhamaantood sheegeen in aabayaashood meelo kala duwan ka sheqeeyan. Marar badan ayaynu dareenka kuwa inala nool meel kaga dhacaynaa, oo niyad jab ku sii abuuraynaa.  Haddii su’aal aamus lagugu jawaabo , waa inay taasi kugu filaato.

Leave a Reply