Xadiiska Maanta

0
177

Anas bin Maalik (Rc) wuxuu yidhi: Nabiga (scw) ayaa soo ag maray haweeney uu ka dhintay wiilkeedii kana ooyaysa qabrigiisa dushiisa. Markaasi ayuu ku yidhi: Allah ka baqo oo sabir. Gabadhii iyadu may garanayn Nebia (cw) waxayna si cadho leh ku tidhi: iga tag; waxa igu dhacay kuguma dhicine. Wax yar ka dib qof  baa u sheegay inuu ahaa nabiga (scw) Markaasi ayay tagtay gurigii nebiga (scw) way u gashay waxayna kuna tidhi: “Kuma aan garaneyn. Wuxuu yidhi (scw) : ‘Sabirku waa inaad yeelato adkeysi oo aad isu dhiibto (Qaddarka Alle) marka ay dhibaatadu kugu dhacdo.’ (Bukhaari iyo Muslim).

 

Abuu Saciid Sacad bin Maalik bin Sinaan Al-Khudri (Rc) wuxuu yidhi: Dad ka mid ah ansaarta ayaa ka codsaday Nebiga (scw) inuu wax siiyo, wuuna siiyey; haddana mar labaad ayay weydiisteen oo siiyey ilaa ay ka dhamaadeen wixii uu hayey. Ka dibna wuxuu yidhi Rasuulka Allah (scw): “Hadii aan wax hayo, waan idiiin siinayaa. Ogaadase: Qofkii isdhawra Allah dhawra; qofkii is kaaftoonsiiya Alle ayaa kaaftoonsiiya, qofkii sabrana Alle waa sabar siiyaa. Qofna lama siin deeq ka wanaagsan oo ka khayr badan sabarka iyo isu dhiibidda Allah (sw)’.       (Bukhaari iyo Muslim)

Leave a Reply