Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in xoogaga Huwantu weerar qorshaysan kusoo qaadeen ciidanka Qaranka

0
196

Hargeysa (Dawan)   Xukuumadda Somaliland  ayaa sheegtay  in xoogaga Huwanta, Puntland iyo kooxo argagixiso ahi ay weerar  qorshaysan kusoo qaadeen ciidanka Qaranka ee  ku sugan jiida Laascaanood.

Warsaxaafadeed kasoo baxday wasaarada gaashaaandhiga ayaa lagu sheegay in kooxo huwan ahi ay weerarka soo qaadeen xili ciidamadu ay shacabka Somaliland la qaybsanayeen dabaaldaga munaasinadda 18 May, lakiin la jabiyay kuwii huwanta

“Ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah galbeedka magaalada ee Xargaga, bariga magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Somaliland iyagoo la kulmay jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeda.

Leave a Reply