Wasaaradda Deegaanka JSL waxay dedaal badan gelisay ilaalinta iyo daryeelka duur joogta…”

0
225

Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland waxay dedaal badan gelisay ilaalinta, iyo daryeelka duur joogta dalka.

Waxaana socda maahaariic lagu xanaanaynayo duur joogta ay dadkeenu magaalooyinka ku dhex haystaan, taasoo loo qorsheeyay in la geeyo goobo ama xarumo loogu tallo galay.

Sidoo kale wasaaradu waxay dhamaystirtay goob loogu tallo galay in lagu xanaaneeyo Shabeelka, iyo Harimacadka, goobtaasi oo ah deegaanka Debis, ee barriga magaaladda Hargaysa.

Dhawr sanno ka hor waxay wasaaradu heshiis wada shaqayneed la gashay haayadda CCF, oo ka shaqaysa ilaalinta iyo daryeelka Harimacadka, iyo Shabeelka.

Dhawaan na waxaa la dhamaystirwy goob loogu tallo galay in lagu daryeello Harimacadka la doonayo in laga bad-baadiyo ee deegaanka Geed-deeble.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa shir ku saabsan joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta oo dhawaan lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaana shirkaasi lagu daah-furay laba mashruuc oo lagaga shaqaynayo daryeelka duur joogta, kaasoo ay si wada jir ah daahfureen wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL iyo haayadda CCF.

Kulankaasi waxaa ka qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha haayadda CCF, safiirka Taiwan, u fadhiya Hargaysa.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka, socday haayadda maxaliga ah ee Candlelight, iyo marti kale. Waxaana shirkaasi lagu daahfuray laba mashruuc wax ka taraya joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka.

Labadan mashruuc ayaana kala ah FWS iyo LICIT2, kuwaasoo qayb ka ah qorsheyaasha la doonaya in lagu joojiyo ka ganacsiga sharci darada ah ee duur joogta, gaar ahaana Harimacadka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa ka warbixiyay labadan mashruuc iyo u jeedadda laga leeyahay ee la dagaalanka ka dhanka ah joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.

Waxaanu sheegay agaasimuhu in wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda CCF ay dhawr sano ka hor wada galeen heshiis ku saabsan wax ka qabashadda ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka.

Labadda mashruuc ee ilaalinta duur joogta ayaa la filayaa in ay wax badan ka tari doonaan wax ka qabashadda iyo joojinta duur joogta.

“Waxaa sharaf noo ah in aanu halkan ku daah-furno labada mashruuc oo wax badan ka gaysan doonaan ilaalinta, iyo joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka Somaliland oo uu ku socdo dagaalka ugaadhsiga ah ee faraha badan”ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Agaaaimaha guud waxa kaloo uu sheegay in wasaaradda Deegaanku ay dedaal badan gelisay ilaalinta iyo duur joogta dalka, isla markaana ay socdaan maahaariic lagu xanaanaynayo duur joogta ay dadkeenu magaalooyinka ku dhex haystaan.

Waxaanu yidhi, “Wasaaradda Deegaanka Somaliland waxay dedaal badan gelisay ilaalinta, iyo daryeelka duur joogta dalka. Waxaana socda maahaariic lagu xanaanaynayo duur joogta ay dadkeenu magaalooyinka ku dhex haystaan.

Sidoo kale wasaaradu waxay dhamaystirtay goob loogu tallo galay in lagu xanaaneeyo Shabeelka, iyo Harimacadka, goobtaasi oo ah deegaanka Debis, ee barriga magaaladda Hargaysa”.

Dhawr sanno ka hor waxay wasaaradu heshiis wada shaqayneed la gashay haayadda CCF, oo ka shaqaysa ilaalinta iyo daryeelka Harimacadka, iyo Shabeelka. Dhawaan waxaa la dhamaystirwy goob loogu tallo galay in lagu daryeello Harimacadka la doonayo in laga bad-baadiyo ee deegaanka Geed-deeble, taasoo bisha July, la furi doono.

Geesta kale agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay labadan mashruuc u leeyihiin horumarinta iyo daryeelka duur joogta.

“Mashaariicdan aynu daah-furaynaa waxay wax weyn ka tari doonaan horumarinta iyo daryeelka ay deegaankeenna, iyo duur joogteenu ay u baahan yihiin.

Waxaanay dhiiri gelin u tahay in Somaliland ay noqoto goobaha ugu muhiimsan dalxiiska Barriga Afrika, iyo caalamka ba” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

 

Leave a Reply