Gar-adag: Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka Tuuladda Fara-guul Oo Xadhiga Laga Jaray

0
228

Gar-adag (Dawan): Wasiirka wasaaradda Caafimaadka JSL ayaa xadhiga ka jaray xarunta Hooyada iyo dhalaanka ee tuulada Fara-guul ee degmada Gar-adag, ee gobolka Sanaag.

Wasiir Xasan Cali Maxamed (Gaafaadhi), oo safar shaqo ku maraya gobolka Sanaag, ayaa xaruntan uu xadhiga ka jaray waxaa hirgelisay wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Wasiirka oo ka warbixinayay xaruntaasi ayaa sheegay in xarunta hooyada iyo dhallanka ee degaanka Fara-guul ay ka hawlgelin doonaan dad iyo aqoon iyo waayo aragnimo u leh adeeg bixinta caafimaad ee bulshada siiyaan

Waxaanu bulshada degaankaasi kula dar-daarmay in ay xil weyn iska saaraan ilaalinta iyo daryeelka xaruntaasi.

Geesta kale bulshada degaanka Fara-guul ayaa wasiirka caafimaadka Somaliland iyo xukuumadda talada dalka haysa uga mahad celiyay hirgelinta xarunta hooyada iyo dhallaanka oo ay sheegeen in ay baahi weyn u qabeen.

Waxa kaloo ay bulshadu wasaaradda horumarinta caafimaadka ka codsadeen in xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degaanka Fara-guul loo soo dhammeystiro adeegyada mihiimka u ah xarumaha caafimaadka.

Iyagoona intaas ku daray in guulaha degaanka Fara-guul uu gaadhay ee xukuumaddu hore ugu balanqaaday uu ka mid yahay hirgelinta xaruntan hooyada iyo dhallaanku.

 

Leave a Reply