Wasiirro Xadhiga Ka Jaray Xarunta Adeeg Bixinta Koronto oo Laga Hirgeliyay Gobolka Saraar

0
189

Caynaba (Dawan): Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa xadhiga ka jaray xarunta Xarunta addeeg bixinta Korontadda ee degmada Wadaama-Goo ee gobolka Saraar.

Waxaana wasiirradaasi ka mid ahaa wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Cadaaladda, iyo Gar-soorkaJSL Saleebaan Warsame Guuleed, iyo guddoomiyaha gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Aadan.

Waxaanay wasiirrada, iyo masuuliyiinta kale si rasmiya xadhiga uga jareen xarunta Laydhka/Korontadda Cadceedda ku shaqaysa ee Wadaama-goo ee gobolka Saraar, kaasoo shaqaynaya 24-ka Saacadood ba.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo xadhig ka jarkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Laydhku yahay qayb ka mida noloshada bulshadda.

Waxaanu xusay sida ay mihiimka u tahay horumarinteeda haddii ay tahay amnigeeda iyo ka war-haynteeda mar kasta.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa isna bulshada degaanka Wadaama-goo ka codsaday in la taageero shirkada gacanta ku haysa xarunta addeega Laydhka ee degmadaasi.

Waxaanu tilmaamay wasiirku in ay fududahay furitaanka mashaariicdu, balse ay khatar tahay si soco shadoodu.

Wasiirka Cadaaladda ayaa bulshada degaankaasi ku adkeeyay in la garab istaago cidda masuulka ka ah mashruucan Korontadda Qoraxda ku shaqanaysa ee la daah-furay.

Geesta kale bulshada degaanka Wadaama-goo, ayaa soo dhaweeyay Laydhkan tamarta Cadeeda ku shaqaynaya ee la daah-furay.

Waxaanay sheegeen in ay tahay guul u soo hoyatay degaanka, madaama uu 24-ka saacadood ba Laydhku yahay mid shaqaynaya.

 

 

 

 

 

Leave a Reply