Maxaa Keena Cayilka Iyo Buurnida?

0
336

Daraasad cusub ayaa daaha ka rogtay arimha sabab cayilka xoogan, kuwaasi oo hore u qarsoonaa. Aqoonyahano ka tirsan jaamacadda Chicago ee Maraykanka ayaa cilmi baadhistan hagayay.

Khabiirka lagu magacaabo Eugene Chang? oo ka mid ahaa kooxdan ayaa yidhi :” markii aanu bilownay cilmi baadhista waxaanu raacnay dariiqooyin cusub oo ka duwan kuwii hore.  waxaan raacnay waddooyinkii hore wax ka duwan, waxaan xoogga saarnay xiidmaha yaryar, waxaan gudaha ku aragnay nooc cusub oo bakteeriya ah oo kaalin weyn ka qaadata howlaha dheefshiidka iyadoo kordhisa xadka buurnida jidhka”.

 

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay ““Waxaan ogaanay in Bakteeriyadaasi ay tahay nooca  Clostridiaceae loo yaqaanno, waxay saameyn weyn ku leedahay habka uu jidhku u nuugo baruurta, waxa ay soo saartaa dheecaanno baruurta burburiyaa oo fudaydiya inuu jidhku si degdeg ah u nuugo. Si loo hubiyo habka ay bakteeriyadaasi u shaqayso waxaan ku talaalay Jiirka, waxaana soo baxday inuu si cad culayska miisaankuusu u kordhay.”

Leave a Reply