Qiimaha Shay kasta Leeyahay Ogow!

0
248

Oday waayeel ah ayaa maalin soo iibsaday maqas iyo irbad
Maqaska waxa laga siiyay lacag badan, irbadana qiimaheedu wuu jabnaa.
Odayga waxa wehelinyay oo la socday wiil uu awoow u yahay oo arkayay qiimaha laga siiyay irbadda iyo maqaskaba.

Markii uu guriga soo gaadhay odaygu waxa uu soo qaaday maro cusub oo guriga taallay waxaana uu si ula kac ugu goo jarjaray maqaskii, isagoo qurub, qurub u gooyay.

Markii uu sidaa sameeyay ka dib ayuu maqaskii dhulka ku tuuray oo jejebiyay,waxaana uu soo qaaday irabadii oo ku tolay dharkii uu googooyay, ka dibna irabadii ayuu ku riday sanduuqa uu ku rito alaabooyinka muhiimka iyo qaaliga ah. Wiilka yar aya weydiiyay “ Maxaad awoowo u jejebisay maqaskii qiimaha badan laga siiyay, oo aad meel adag ugu xafiday irbadii aan qiimaha lahayn.

Waxaana uu ugu jawaabay “ Awow, maqasku wuxu jarjaro mooyee, waxba isuma keeno, Irbaduna waxay isu keento mooyee waxba makala fogayso, shaygana qiimaha lagaa siiyay laguma qiimeeyo, waxa lagu qiyaasaa waxa uu kuu tarayo

Leave a Reply