Mudanayaasha Golaha Guurtida JSL oo ka hadlay Xal u helista Xaalada Gobolka Sool

0
93

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay arrimaha nabadgelyada dalka, waxaanay shir-guddoonka golahooda ka dalbadeen in guddi loo diro colaada ceelka Laascaanood.

Qaar ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa shir-guddoonkooda ka dalbaday sidii guddi matalaysa golahooda loogu dirilahaa xal u helista colaada gobolka Sool, si ay Garaarada gobolka Sool ugala hadlaan sidii colaadaasi loo joojinlaha.

Geesta kale mudanayaasha qaarkood ayaa talo ahaan ku soo jeediyay in loo yeedho masuuliyiin ay ka mid yihiin, ciidaamada laanta socdaalka, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo cidkasta oo khuseyso arrimaha Qaxoontiga si wax looga weydiiyo dadka ajaanibta ah ee waddanka ku soo badanaya, waxaanay intaas ku dareen in abniga waddanka ay waxyeelan karaan.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha ka codsaday in xaalada degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer, in aan wax wara laga soo saari karin ilaa guddidii goluhu u saaray, waxgaradka labada beelood iyo xubnaha xukuumadda Somaliland ka tirsani ay ka keenayaan war rasmiya.

 

 

 

Leave a Reply