Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasadda Ka Hadlay Liisamada Xisbiyadda iyo Ururada Siyaasadda

0
196

Hargeysa (Dawan) Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ayaa ka hadlay dhicitaanka liisamada Xisbiyadda iyo Ururada Siyaasada.

Muxuyadiin Yuusuf Ibraahim oo ka mid ah Xubnaha gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa waxa uu sheegay in Koomishanka Doorashooyinka tartanka u qabto Xisbiyo liisanka ay soo siiyeen iyo ururo ay soo ansixiyeen Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka,

Muxuyadiin Yuusuf oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan iftiimiyo aniga oo ku hadlaya afka Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qodobo ka soo noqnoqonayay, oo khuseeya shaqada gudida gacanta ku hayso oo aan ku arkay warbaahinta oo lagu xusayo in liisankii Ururada Siyaasada dhacay. liisanka Xisbiyadda iyo Ururada Siyaasada waxa bixisa gudida Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta,hadii jawaab looga baahdana waxa wax laga waydiinayaa waa gudida.waxaana Warbaahinta iyo dadka ku khaldayaan liisankii aanu bixinay bishii kaas oo ahaa kii hawlgalka,waana kii Ururada Siyaasada shirweynayaasha ku qabsadeen ee kunka qof ku diyaariyeen.xisbiyadii hore gudidu waxa ay u qortay warqad ay ku wargalinayso in liisankii ka dhacay ee tobanka sanno,”.

Sidoo kale ayaa waxa uu tilmaamay Koomishanka Doorashooyinka horyaalaan warqadii gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta u dirtay ee ay ku liis garaysanyihiin Saddexda xisbi iyo tobanka urur Siyaasadeed.Waxaana uu yidhi”Waxa kaliya ee Koomishanka Doorashooyinka horyaalaa waa warqadii gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta u dirtay ee ay ku liis garaysanyihiin Saddexda xisbi iyo tobanka urur Siyaasadeed oo u diyaargaroobaya tartankii saddexda Xisbi qaran ee dalka yeelan lahaa,

Koomishanka Doorashooyinka waxa uu u tartanka u qabtaa Xisbiyo liisanka ay soo siiyeen iyo ururo ay soo ansixiyeen Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka,shaqada iyo waajibaadka hay,adaha qaranka kuma yimaadaan dookh iyo doonida hadba masuulka jooga xafiiska shaqooyinka waxa inoo qaybiyay xeerarka,”.

 

Leave a Reply